|

Muqdisho: Ciidanka Ammaanka oo Mar kaliya Gacanta ku Soo Dhigay Tiro Dad Rag iyo Haween ah Oo Timaha Iska Wada xiiray

joogMuqdisho:17-Aug-2013 (SDN)-Howlgallo Ammaanka lagu sugayey oo ciidamadu ka sameeyeen Maalintii shalay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ayaa lagu soo qabqabtay 13-qof oo Rag iyo Dumar iskugu jira oo dhamaantood madaxu u xiiran yahay.

 

 

Ciidamada ayaa howlgalkan ka sameeyay Xaafada Kaasa Balbaraara ee Degmada Hodan Gaar ahaan Iskuul ku yaalla xaafadaasi oo in ka badan 500 arday ay wax ka bartaan, iyadoo ciidanku  gacanta ku soo dhigeen tiradaas dadka ah oo dhamaantood si isku mid timaha iskaga muldhiyey.

Sidoo kale Dadkan haatan la soo qabqabtay oo la sheegay inay Arday yihiin, islamarkaana looga shaki qabo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, ayaa loo gudbiyay xarunta dembi baadhista CID si baadhitaanno dheeraad ah loogu sameeyo ardaydaasi  madaxa ka wada xiiran.

 

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka banaadir Warsame Maxamed Xasan “Warsame Joodax” oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka dambeeyay kadib markii ay heleen warbixinno muujinaya in goobta ay ku jiraan dad lala xidhiidhinayo Al shabaab.

 

Warsame Joodax ayaa yidhi ““Dadka aan maanta gacanta ku dhignay ee 13-ka arday oo ahaa dad madaxa u wada xiiran, waxa ay naga abuurtay shaki weyn waayo dumar madaxa ka xiiran iyo wiil inta, waxaana go’aaminay in aan marsiino xarunta dambi baadhista ee CID, teeda kale waxaan meesha ku aragnay iskuulka dadka muxaadarada ka jeedinayaa aanay  heysanin diinwaan gelin  dhanka Degmada ahna iyo dhanka Maamulka intaba”.

 

Warara Dhawaanahan Soo baxayay ayaa sheegay in Dumar fara badan ay la shaqeeyaan Shabaabka kuwaasi oo la tilmaamay in ay Raga Amaan darada ka wada Muqdisho marka ay dilal ama qarax Fulinayaan ku gargaara  Hubka iyo waxyaabaha ay qaraxyada ku fuliyaan.

 

Wali  ma Cadda in Ardadydaasi ay yihiin shabaab iyo in kale Balse laga war dhowrayo Hay`ada Danbi baadhista CID da oo loo Gudbiyay.

 

Contact@somalidiasporanews.om

 

Comments are closed