|

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia oo la Kulmay Jaaliyada Somalida ee Uganda

Kampala 16.Aug 2013 (SDN)- Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya mudane Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan booqasho ku jooga dalka Uganda ayaa lagu wadaa inay kulan la qaataan jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kambala ee Caasimada Dalka Uganda.

Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) oo bartimihii todobaadkan heshiis la saxiixday baarlamaanka dalka Uganda.

Prof Jawaari ayaa sheegay in uu la kulmi qeybaha kala duwan ee jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda sida ganacsatada,iyo aradad wax ka barata jaamacadaha dalka Uganda,isagoo sheegay in uu dhageysan doono xaaladaha dhinaca nolosha iyo sida ay ugu noolyihiin dalka Uganda.

Ardayda wax ka barata dalka Uganda ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay la kulmaan gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya,islamarkaana ay siin doono warbixin ku aadan sida ay wax uga bartaan dalka Uganda iyo caqabadaha ka hor yimaada marka ay waxbarashada doonayaan.

Kulanka uu gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya la yeelabayo jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb gali doono xubno matalaya qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga ee dalkaasi.

Qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga dalka ayaa waxaa lagu qiyaasaa ilaa 17 kun.

Xubnaha Matalaya qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda ayaa gudoomiyaha baarlamaanka iyo wafdiga la socda u gudbin doono duruufahooda dhinaca nolosha iyo sida ay u jecelyihiin is bedelka dhinaca nabada ah ee ka hana qaaday dalkooda hooyo.

Kampala SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed