|

Jimcihii Cadhada iyo dhimashada 25 Ruux oo Masaari ah

Qaahira 16.Aug 2013 (SDN)- Kumanaan ka Tirsan Taageerayaasha Madaxweynihii Xilka laga Tuuray ee Wadanka Masar Maxamed Mursi ayaa isu soo baxyo waaweyn ka sameeyay Magaalada Qaahira iyadoo kooxda Ikhwaanku ay Shaaciyeen in Banaan bixii ka dhacay fagaaraha RamSiis ee Magaalada Qaahira ay ku Geeriyoodeen 25 Ruux isla markaana ay rabshado kale ku sii fideen Magaalooyinka kale oo ka mid ah Wadanka Masar.

Mudaharaadkan ayaa dhacaya laba maalmood kadib markii cagta la mariyay Xeryo ay magaalada Qaahir ku lahaayeen Taageerayaasha Maxamed Mursi ee Ikhwaanka,halkaas oo ay ku naf waayeen 638 Ruux.

Dibad baxa ay maanta sameeyeen Kooxaha Ikhwaanu Muslimiin ayay ugu Magac dareen “Jimcihii Cadhada”.

Amaanka Qaahira ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana Jidadka Muhiimka ah la dhigay Ciidamo wata gaadiidka gaashaaman.

Wadanka Masar waxa uu haatan ku jiraa Xaalad Deg deg ah waxaana Booliska awood loo siiyay inay isticimaalaan Rasaasta Nool si ay u difaacaan Goobaha dawlada.

Geesta kale Hogaamiyeyaasha Ku Meel gaadhka ah e Wadanka Masar ayaa dhaleeceeyay Hadal ka soo baxay Madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama, kadib markii uu Canbaareeyay amar ay Xukuumada Masaaridu ku bixisay inay Xoogaga Amaanku burburiyaan Kaamamkii ay ku Sugnaayeen dadkii dibada baxyada dhigayay isla markaana waxa uu Obama Joojiyay Dhoola Tus Milateri oo ay wada samayn lahaayeen Ciidamada Masar iyo kuwa Maraykanku.

Madaxweyne Obama waxa uu carabka ku adkeeyay inaanu Iskaashigu sii Socon karayn iyadoo dadka Shacabka ah la laynayo.

Si kastaba ha ahaatee dadka ka faalooda Siyaasada Mandaqada ayaa Saadaalinaya In Wadanka Masar ay dul hoganayaan Daruuro Colaadeed isla markaana waxaa Wadnaha farta lagu hayaa in dagaal Sokeeye ka dhex qarxo.

Qaahira SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed