|

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo 16.Aug 2013 (SDN)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska Md Maxamed Xuseen Dhabbeeye iyo wefti wasaaradiisa ka tirsan oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Weftigan waxaa Duleedka Magaalada Ceerigaabo kaga hortagay Mas’uuliyiinta Wasaarada Ciyaaraha ee Gobolka Sanaag oo uu Hor kacayo Isu duwaha Wasaarada Ciyaaraha Dhallinyarada iyo Dalxiiska gar-adag ee Gobolka Sanaag Madar Ducaale Jabuuti, Prof Maxamed Siciid Saalax  “Dhego Yare” oo ah Gudoomiyaha Gudida Ciyaaraha ee Gobolka Sanaag iyo Madax kale.

Isu duwaha Wasaarada Ciyaaraha ayaa Agaasimaah Guud waxa uu Warbixin ka siiyay Xaalada dhinaca Ciyaaraha ee uu ku Sugan yahay Gobolka Sanaag iyo Baahiyaha Wax ka qabashada u baahan .

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyarada ciyaaraha iyo dalxiiska Md Maxamed Xuseen Dhabbeeye ayaa Tilmaan ka bixiyay Ujeedada Socdaalkooda oo uu sheegay inuu salka ku hayo u kuurgalida hawlaha wasaaradiisa ee Gobolada Bari Waxaanu Sheegay in Wasaarada Ciyaarahu ay Xooga Saarayso Sidii loo dhiirigalin lahaa Ciyaaraha oo fududeeya is dhex galka Bulshada,Agaasimaha Guud waxa uu intaas ku daray inuu soo furay tartanka koobka kubadda cagta ee nabadda oo ah koob ay ku tartamayaan shanta degmo ee kala ah Gar-Adag, Caynabo, Ceel Afweyn, Xuddun iyo Oog, kaas oo ka socda Degmada Gar adag.

Ceerigaabo SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed