Mareykanka Oo Diyaariyey Ciidamo Tababar Adag Qaba Oo Loo Dirayo Dalka Soomaaliya
Kampala:Aug-16-2013 (SDN) – Saraakiil Mareykan ah ayaa soo geba gebeeyey tababar lagu diyaarinayo ciidamo Militari iyo Booliis Ugandan ah, kuwaasi oo sida la sheegay loo soo diri doono Soomaaliya, si qeyb uga noqdaan Howlgalka loogu magac daray AMISOM.
Sida uu qoray wargeyska The New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda, waxaa Maraykanka uu tababar u soo xidhay saraakiil ciidan oo u dhashay dalka Uganda, kuwaasoo lagu wado in loo soo diro dalka Soomaaliya.
Col, William Wyatt, oo ah madaxa xidhiidhka ka dhaxeeya Safaarada Mareynkanka iyo Kampala oo soo xiganeysay wargeyska New Vision ayaa sheegay in ciidamada Uganda ay ka faa’ideysanayaan islamarkaana lagu soo beegay xillli ay u baahnaayeen.
Wargeyska oo soo xiganaya safaarada Maraykanka uu ku leeyahay Kampala, ayaa sheegay in Askartan oo gaadhaya 140, ay qaateen tababarro noocyo kala duwan ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin sida ay uga qayb qaadan karaan howlaha degdega.
Ciidamadan ayaa marka ay tagaan Soomaaliya waxa ay door weyn ka qaadan doonaan siddii ay uga qayb qaadan lahaayeen howlaha AMISOM.
Maraykanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlaha tabbabarka ay siinayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Uganda.
Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee howlgalka AMISOM, waxaana ay yimaadeen bishii March ee sannadkii 2007-da.
Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa tabbabaro ku siiyay dalka Uganda ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, waxaana ay ka mid yihiin waddamada taageera howgalka midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamadan cusub ee haatan maraykanku soo tababaray, ayaa la aaminsan yahay inay hawl waxtar ah dalka soomaaliya ku soo kordhin doonaan, maadaama ay ka waayo aragsan yihiin kuwii hore ee haatan soomaaliya jooga.
Somalidiasporanews.com