Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta oo Maanta Si Rasmi ah Hargeysa Looga Furay
Hargeysa:Aug-16-2013 (SDN)Waxa Magaalada Hargeysa maanta si rasmi ah looga furay carwada caalamiga ah ee Buugaagta oo sanadkiiba mar la qabto.
Carwadan oo markii lixaad maanta la furay, ayaa ah mid lagu soo bandhigo Buugaagta cusub ee la qoro iyo waxyaabo kale oo suugaanta iyo dhaqanka soomaalida la xidhiidha, waxana ay socon doontaa muddo shan cisho ah.
Munaasibadan oo lagu qabtay Guriga shaqaalaha Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirro, qorayaal, Abwaanno, suxufiyiin,Culimo iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.
Qaban-qaabiyayaasha carwada oo ah ururka Redsea Online, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay dadka u hayaan waxyaabo badan oo xiiso leh, islamarkaan u baahan in laga faa’iidaysto.
Sidoo kale waxa maanta munaasibadda ka soo qayb galay abwaanno iyo qoraayo ajaanib ah oo ahaa waxyaabaha ku cusub carwadan, waxana ay abwaanadan shisheeye si aad ah u iibsanayeen buugaag kala duwan oo goobtaas lagu soo bandhigay.
Hal-ku-dhegga sanadkan, ayaa ahaa, “socdaal” waxana halkaas ka hadlay oo Erayga socdaal macnihiisa ku dheeraaday Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), oo sheegay inay inay bulshadu baahi u qabto inay fahanto socdaalka ay ku jirto ee dhinacyada Nolosha, maskaxda iyo horumarka.
Jaamaca Muuse Jaamac oo ka mid ah dadka carwadan gacanta ku haya, ayaa sheegay inay dadka u soo bandhigeen Buugaag qiimo leh oo ay qiimo jaban ku heli karaa.
Shacabka ku nool caasimadda ayaa iyagu si aad u iibsanayey buugaagtii goobta la keenay, inkastoo ay dadku sheegeen inay waayeen Buugaag af-soomaali ah oo macquul ah amaba ka turjumaysa baahida ay u qabaan dhinaca dhaqanka soomaalida.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (Timo)
Hargeysa/Somaliland.