Itoobiya oo adkaysay Xuduudaha ay la Wadaagto Somalia iyo Diyaar Garowga Xuska Geeridii Males Zenawi oo Ka Socota Dalkaas
Addis Ababa 16.Aug 2013 (SDN)-Dowladda Itoobiya ayaa xoojisay Xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya kadib markii la geeyay Xuduudahaa Ciidama xoogan oo amaanka Xuduudahaa suga.
Xuduudaha sida aadka ah loo adkeeyay waxaa ka mid ah Xuduuda Itoobiya la wadaagto Gobalka Hiiraan halkaa oo la sheegay in ay Geeysay Itoobiya Ciidamo hor leh si amaanka xuduuda u adkeeyaan .
Waxaa sidoo kale aad loo xoojiyay amaanka Xuduudka la wadagto Gobalka Galgaduud oo ay ku sugan yahiin Ciidamada gaarka ah ee New Booliiska kuwaas oo ka socda Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Adkaynta amaanka Xuduudaha ay la wadaagto Itoobiya Soomaaliya waxaa ay ka danbaysay markii Hay,addaha Sirdoonka itoobiya ka war haleen in ay dhaci karto in ay ku soo wajahan yahiin Xaalada amaan daro.
Waxaana aad loo adkeeyay Xuduudaha iyada oo ay adag tahay in si sahlan loogu soo gudbo Gudaha Itoobiya hayeeshee dhaq dhaqaaqaan Ciidamada Itoobiya Xuduudaha ay la wadaagaan Soomaaliya ka wadaan ayaa ah mid amaankooda ku suganayaan.
Geesta Kalena Waxaa ka soconaya Guud ahaan Dalka Itoobiya qaban qabada loogu jiro Xuska sanad guuradii ka soo wareegtay markii uu geeriyooday Raii,Sul Wasarahii hore ee Itoobiya Males Zenawi.
Qaban qaabada lagu xusayo geeridii R/wasaarihi hore ee dalka Itoobiya Males Zenawi oo mudo hadda laga joogo hal sano oo ku began maalinta Axada waxaana siwayn looga dareemayaa guud ahaan Dalka Itoobiya u diyaar garoowga Xuskaas.
Raii,sul Wasaaraha Itoobiya ayaa magacaabay Gudi ka kooban Golahiisa xukuumada iyo Xilidhibanada Dowladda Dhexe ee Itoobiya kuwaas oo qaban qaabinaya xuskaan .
Males Zenawi oo ku dhwaad 21 sano ka talinayay Dalka Itoobiya ayaa u geeriyooday xanuun si kedis ah ugu soo booday waxana uu ku geeriyooday muda sanad ka hor ibitaal ku yaala Dalka Belgium-ka.
Addis Ababa SDN.