Kenya oo si cad u sheegtay in Aanay Ciidankeedu ka soo Bixi Doonin Soomaaliya
Nairobi:16-Aug-2013(SDN)Dowlada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeed ku sugan dalka soomaaliya aanay marnaba ka soo bixi doonin Soomaaliya .
Wasiirka Gaashaandhiga dalka kenya Raychelle Omamo ayaa waxa ay sheegtay in ilaa dowlada Soomaaliya ay awood u yeelanayso sugida amaanka Goobaha Ciidankeedu joogo, aanay Kenya ka soo bixi doonin Kismayo .
Ms Omamo ayaa waxa ay sheegtay in ciidamada Kenya ay soomaaliya u joogaan in ay la dagaalaman argagixiso khatarta ku am amaanka dalka Kenya .
Ciidamada kenya ayay sheegtay wasiirada gaasahandhiga Kenya in ay Soomaaliya ka soo bixi doonaan oo kali ah marka nabad iyo xasilooni Soomaaliya lagu soo dabaalo .
Wasiirada gaashaandhiga dalka kenya Raychelle Omamo ayaa dhanka kale si kulul u beenisay warbixin ay dhawaan soo saartay QM oo militiriga kenya ku eedaysay in ay dhuxul si sharci daro ah uga dhoofiyaan dalka soomaaliya .
Militiriga Kenya ayay wasiiradu sheegtay in aysan u tagin Soomaaliya arimo siyaasadeed ama ganacsi balse ay u joogaan la dagaalanka argagixisada.
Hadalkan ka soo yeedhay Dawladda Kenya, ayaa waxa shaki badan ka muujiyey shacabka soomaalida, waxana uu daliil iyo marmarsiinyo buuxa u yahay Dagaalka cad ee shabaab ay kala soo horjeeddo xukuumadda Federalka soomaaliya.
Somalidiasporanews.com