Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Sheegay Inay Xal Ka Gaareen Maleeshiyaadki Gadooday.
Kismaayo 16.Aug (SDN)-Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay sheegeen inay xal ka gaareen maleeshiyaadki Raaskmbooni ee gadooday, ka gadaal markii shalay ay xaalad cakiran galiyeen Magaalada Kismaayo.
Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxay ka cabanayaan bilaa mushaaraad, xilli muddooyinkii ugu dambeysay loo balanqaadaayay in si joogto ah, loo siin doono mushaaraadka ay Horjoogeyaasha ku lee yihiin.
C/qaadir Daahir Axmed oo ka tirsan Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo xalay la hadlay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay inay Maleeshiyaadki dib ugu celiyeen xeryahooda, sida uu yiri.
Horjoogahan ayaa sheegay in Maleeshiyaadkan ay doonayeen mushaaraadka ay xaqa u lee yihiin sida uu yiri, ha yeeshee wuxuu sheegay in uu khudbad u jeediyay Horjoogaha ugu sareeya maleeshiyada Axmed Madoobe isla-markaana ay ku qanceen sida uu yiri khudbadiisa.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni uu Maleeshiyaadka u sheegay in dhowaan la siin doono mushaaraadkooda, isla-markaana ay dib ugu laabtaan xeryahooda, ayna taasi aqbaleen sida uu u sheegay Idaacada.
Hase ahaatee wararka aanu xalay ka helnay Magaalada Kismaayo, ayaa waxay sheegayaan inaysan wax isbedel ah ku imaan maleeshiyaadka kadib khudbadi horjooge Axmed Madoobe, isla-markaana ay weli ku sugan yihiin wadooyinkii ay shalay isugu soo baxayn.
Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni waxay shalay Magaalada Kismaayo ay soo dhigteen jidgooyooyin goobo ay kamid ahaayeen Laamiga Aargada, Shaneemo Ayaan, Suuq Yaraha Bartamaha Kismaayo, aafafka hore ee Saldhiga, irida Dekeda Kismaayo iyo goobo kale, ayaa weli lagu arkayaa Ciidanka oo weli ku sugan.
Gadoodka ay sameeyeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli uu shalay Magaalada Kismaayo gaareen koox Xildhibaano ah oo uu horkacaayay dagaal ooge C/rashiid Maxamed Xidig.
Kismaayo SDN.