|

Madaxweynaha Punt land oo dhagax dhigay Dhismaha Masjid loogu Magacaabo Masjidka Al Shuhadaa

Garoowe 16.Aug 2013 (SDN)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta  ku dhagax dhigay xarunta Madaxtoyada Masjidka Al-shuhadaa oo loogu talogalay inay ku ogaan salaada shaqaalaha iyo ciidanka Madaxtoyada.

Dhulka uu ku fadhiyo Masjidka ayaa noqonaya 35×22, waxana madaxweynaha wehelinayay culimo.

Madaxweyne Farole ayaa ka dib dhagax dhiga dhismaha Masjidkan ku tilmaamay ficil alle loogu dhowaanayo, isagona sidoo kale ku dhiirgeliyay dadweynaha Puntland inay ku dhiiradaan ka qayb qaadashada tabarucaadka iyo sadaqada.

‘’Masjidka Al-Shuhadaa waxaan ugu magacdarnay oo ah intii naftooda u hurtay difaaca Puntland’’ ayuu yiri Dr.Farole.

Shiikh Axmed Daahir oo ka mida culimada Puntland ayaa goobta ka sheegay in loo baahanyahay u istaagida in la dhiso goobaha cibaadada Puntland , isagoona ka soo shekeeyay khayrka ku jira.

Aqalka Madaxtoyada Puntland ayaa bishii April, 2013 loo wareejiyay xafiisyada dowladda ka dib dhisme socday muddo ka badan sanad.

Garoowe SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed