Qarax Miino oo Dad shacab ahi ku Naf-waayeen oo ka Dhacay Kismaayo
Kismaayo:Aug-16-2013-(SDN) ugu yaraan Laba qof ayaa dhimatay kadib markii miino la kacday gaadhi nooca TOYOTA oo ay la socdeen labada ruux ee geeriyootay.
Qaraxan oo ka dhacay Xaafadda Farjano ee Magaalada Kismaayo, ayaa la sheegay in labada ruux ee miinado la kacday jirkooda go,go,ay oo la garan wayaay.
Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya inuu labadaas qof ka mid ahaa madax-dhaqameed caan ahaa oo Gobolkaas u dhashay.
Lama yaqaano cidii ka danbaysay iyo sababta keentay in lala beegsado maadama dad rayid ah ahayeen .
waxaa iminka ka socda Xaafada Farjano baadhitaano Ciidamada amaanka Maamulka Jubaland kawadaan, iyadoo la xidhay isu socodka Gaadiidka kala duwan ee Magaalada ukala Gooshaa.
Ma jirto cid loo soo qabtay ama looga shakisan yahay laakiin waxa uu qayb ka yahay falalka amaan daro ee ka jira Magaalada Kismaayo.
Qaraxyadan ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku soo badanayey magaalada Kismaayo, waxana haatan shacabka soo food-saaray warwar badan oo ammaankooda la xidhiidha.
Somalidiasporanews.com