|

Markabkii Mucaawinada Siday ee Puntland Iska Celisay Oo Somaliland Ku soo Wajahan

markabkaHargeysa:16-Aug-2013(SDN) wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya  in markabkii mucaawimada siday ee Puntland dhawaan dub ugu celisay Dawaladda Federalka ahi uu ku soo wahan yahay dhinaca Dekeda Berbera.

Waxa ay wararku intaas ku dareen in dawladda Federalka ahi Somaliland kala hadashay sidii loo gaadhsiin lahaa shacabkii loogu talo galay oo badidoodu degen tahay meelo u dhexeeya xuduudda Somaliland iyo Puntland.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in Xukuumadda Somaliland ay ka aqbashay codsi codsi kale oo ka yimi Dawladii Deeqdan bixisay oo ah Turkiga, taas oo Somaliland ka codsatay inay Raashinkaaas gaadhsiiso dadkii loo qoondeeyey.

 

Markabka  ayaa la filayaa inuu Saaka ku soo xidho Dekedda Berbera, balse waxa la sheegayaa inuu masaafo dhow haatan soo socdo uu soo gaadhayo Dekedda.

 

 

Mucaawimaddan ayaa ah mid aanay waxba ku lahayn dadka Degen meelaha Somaliland Gacanta ku haysaa, balse waxa qayb laxaad leh ku leh shacabka Degen Goobo Somaliland ka tirsan oo ay gacanta ku hayaan qaswadayaasha Khaatumo sheegtaa, arrintaasna lama garanayo sidia ay Somaliland u maaraynaysaa.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Mawliidguure@yahoo.com

Hargeysa/Somaliland.

Comments are closed