|

Eritrea oo Ethiopia Ku Eedaysay Burburinta iyo Kala Qaybinta Soomaaliya

eritreaNairobi:16-Aug-2013 (SDN) Dowladda  Go’doonsan ee Eritrea , ayaa markii ugu horeysay  ka hadashay arinta Maamulka Juubbaland iyadoo ku edeysay dowladda Ethiopia inay waddo qorshe ah burburinta iyo kala qeybinta Soomaaliya.

Safiirka waddan Eritrea u fadhiya Kenya ayaa sheegay in Ethiopia ay qorsheyneyso inay kala qeybiso Soomaaliya iyadoo ukala qeybinaysa maamul goboleedyo badan sida Puntland Galmudug, Jubbaland oo hadda Ethiopia ay wax ka wado dhismihiisa iyo maamulo kale oo iman doona.

Wuxuu sidoo kale safiirku tilmaamay in shabaab ay yihiin Midhihii ka dhashay faragalinta Ethiopia ee Soomaaliya taasina wuxuu sheegay inay iyaduba ka war heyso , waxaana uu sheegay inaanay daacad ka ahayn ethiopia la dagaalanka Shabaab.

Wuxuu sheegay sheegay in marnaba Ethiopia aanay dooneyn in Soomaaliya ay noqoto dowlada taagan oo awood leh waxa cuuryaaminaya mar waliba inay iyada tahay sida uu carabka ku adkeeyay Safiirka Eritrea.

Safiirku wuxuu tilmaamay in marnaba Ethiopia aanay  dooneyn horumarka Soomaaliya Balse taasi badalkeeda ay dooneyso kala qeybinta burburinta iyo daciiftimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu safiirku Dawladda Federalka u soo jeediyey inay u dhug yeelato dabinadda ay Ethiopia ku hagardaamaynayso.

 

Somalidiasporanews.com

Nairobi/Kenya

Comments are closed