Erdogan oo ku Tufay Munaafeqnimada reer Galbeedka ee Ku Wejehan Masar iyo waxa dalkiisa ay uga dhigan tahay
Istanbul Aug 16,2013(SDN)-Raiisul Wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga hadlay dhacdooyinka murugada leh ee warbaahinta caalamku shaashadaha soo dhigeysay maalmihii u danbeeyay.
Erdogan ayaa si gaar ah uga hadlay sida ba’an ee loo laayay taageereyaasha madaxweynihii la afgenbiyay ee Masar.
“Kuwii doonayay isbedel dimuqraadi ah ayaa si ba’an loo xasuuqay “ayuu yiri Erdogaan.
Waxaanu si gaar ah u canbaareeyay Xukuumada Masar iyo dawladaha reer Galbeedka oo uu munaafiqnimo ku sifeeyay sdia ay u daawanayaan dhacdooyinka Masar.
“Hadii aaney reer Galbeedku iminka qaadin tilaabo sax ah,dunida inteeda kale waxa ay suaal dul dhigi doonaan Dimuqraadiyada”.ayuu yiri Erdogan.
Raiisul Wasaaraha dalka Turkey ayaa baaq u jeediyay Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey si ay u faro geliyaan xaaladaha Masar.
Dawladaha reer galbeedka ayaa si isdaba joog ah baaq nabadeed saxaafada u marinayay ciidamada iyo xukuumada KMG ah ee Masar oo dhan ah iyo Taageereyaasha Madaxweyne Morsi.
SDN-Istanbul
contact@somalidiasporanews.com