|

Dawlada Norway oo ka xumaatay shaqo joojinta ay MSF Ku Dhaawaqday

Oslo 15.Aug (SDN)- Wasaaradda iskaashiga caalamiga ee dalka Norway ayaa maanta sheegtay inay ka xun tahay dhibaatada adag ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha gargaarka ee ka howlgala Soomaaliya.

Wasiirka iskaashiga caalamiga ee dalka Norway Heikki Eidsvoll Holmås ayaa sheegay in go’aanka MSF ay ku joojisay howlihii caafimaad ee ay ka wadday Soomaaliya uu yahay mid laga murugoodo, balse la filayay kaddib dilal iyo tacaddiyo kala duwan oo ay la kulmeen shaqaaleheeda.

Holmås wuxuu tilmaamay in tallaabada MSF ay caddeyneyso dhibaatada ay ku shaqeeyaan hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo maamullada kale ee ka jira dalka inay dhawraan shaqaalaha gargaarka, si dadka dhibaateysan loo gaarsiiyo gargaarka bani’aadannimo ee ay u baahan yihiin.

Oslo SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed