|

Wasiirka Boosaha oo Boorama ku Sugan iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Boorama 15.Aug 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada boosaha iyo Isgaadhsiinta Mudane Maxamed Jaamac Abgaal ayaa Galabta Booqasho shaqo ku tagay Magaalada Boorama.

Wasiirka ayaa Ujeedada Socdaalkiisa waxa uu ku sheegay inuu Kulamo la Yeelan doonaa Madax dhaqameedka Gobolka kaas oo aanu ku sii ambo qaadayno kulan ka horeeyay kan oo lagaga arrinsanayo ayuu yidhi Tabashada gobolka ee adeegyada aasaasiga ah.

Wasiirka boosuhu waxa uu sheegay oo kale in Mudada uu Gobolka Joogo uu  la kulami doono qurbo joog badan oo ku sugan boorama isla markaana uu u bandhigi doono sidii ay horumarka Gobolka Awdal si ka weyn sidii hore ay ugu hagar baxaan.

Wasiirka Wasaarada boosaha iyo Isgaadhsiinta Mudane Maxamed Jaamac Abgaal  Waxaa kale oo uu Xusay inuu Xalin doono Shaqaale ka Xidhan Hay’ada Germen Acro action oo ka Mid ah Hay’adaha Mudada dheer dhinaca beeraha kala shaqaynayay Gobolkaas oo ay ka Xidhan yihiin laba ka mid ah Hawl wadeenadeeda,waxaanu intaas ku daray inuu Magaalada Boorama ku Sugnaan doono mudo laba maalmood ah.

Boorama SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

 

 

 

 

Comments are closed