SIR CULUS: AFGAMBI KA DHAN AH MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD
Waxan si Xushmad iyo Qadarin ku jirto ayaa waxan raba in aan Shacbiga Soomaaliyeed u soo Bandhigo Siyaasada Soomaaliya meel xun gaartay taaso Daliil cad u ah shalay oo Taariikhdu aheyd 14 August ayaa Hay’ada MSF ku dhawaaqday in ay isaga baxayso Soomaaliya.
Waxaa beryahaan Socda Qorshe Xoog Badan oo la doonaya in Siyaasiinta Beesha Abgaal ee Madaxweynaha ka soo jeedo laga dhigo Mucaarad ka dhan Dowladda uu Hoggoomiyo Xasan Sheekh Maxamuud, ka dibna  Siyaasiinta Beelaha Hawiye la dhigo Mucaarad.
Qorshahaan Culus waxaa ka danbeeya Dowladdo Waaweyn oo weliba Sirdoonkooda ay jooggan Muqdishu tan kale waxaa shalay amar buuxa lugu siyay Hay’adda MSF in ay Soomaaliya ka baxdo si looga badbaadiyo haddii uu dhaco Qalalso Siyaasadeed ama Dagaal ay Qaadi doonaan taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Haddii Xukunka laga Qaado.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuu meesha wuxuu ku yimid Doorasho ee Xoog kuma imaan tan kale Masar iyo Soomaaliya isku mid ma ahan, maxaa loo burburinaaya Dowladda hadda dhisan taas waa in la is weydiya.
Madaxweyne Xasan waxaa Xilka ka Qaadi kara waa Baarlamaanka oo Keliya tan kale Ilaa iyo Hadda ma hayno wax cadeeyn ah oo lugu heysto Madaxweyne oo ka timid Baarlamaanka Soomaaliya
Koley Aniga Daahir ahaan Qorshahaan hadda socda lama dhacsani waana mid Qalad ah waana mid Shacbiga Soomaaliyeed u Horseedi kara Dhibaato Culus iyo Hadda iyo Qaxootinimo Cusub, Dadka qorshahaan wata waxay rabaan in Madaxweynaha ay xoog ugu tuuran Kursiga laakiin arrintaas waa talo xumo.
Aniga waxaan ku Baaqi laha in Xasiloonida  iyo Nabadda in laga shaqeeyo ee la iska dhaafo Burburinta Qaranimo maxaa yeeley waxaa horey u soo marnay Dhibatooyin aad iyo aad u xun oo ay ka mid aheyd Dowlad la,aan iyo Dagaalo qaraar oo aad iyo aad u xun.
Mahad sanadiin,
Dahir Mohammed
Nairobi Kenya