|

Wasaarada Kalluumaysiga oo Soo Bandhigtay dhiirigelinta Maalgashiga Khayraadka bada

Hargaysa 15.Aug 2013 (SDN) Wasaaradda kaluumaysiga iyo kheyraadka Badda ayaa maanta soo bandhigtay siyaabaha kala duwan ee loo dhiirigelin karo maalgashi lagu sameeyo kheyraadka badda, halka sidoo kalena ay wasaaraddu digniin adag u dirtay maraakiibta badda xaalufisa ee sharcidarada ku kalluumaysanaysa.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Md maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo maanta xafiiskiisa ku siiyey xogwarran arintaa ku saabsan ayaa sheegay in wasaarada kaluumaysiga oo ka duulaysa sidii bulshada looga saari lahaa dhaqaale xumada in ay dadweynaha gaar ahaan ganacsatada la socodsiinayaan inay awoodda saaraan maalgashiga kaluumaysiga iyo kheyraadka kale ee badda. Iyadoo wasaaraddu qorshe cad u sameeyeen ka faa’iidaysiga kheyraadkaasi qorshayaashaas oo lagu gaadhsiinayo kheyraadka badda mid ku filnaada suuqyada gudaha lana gaadhsiiyo seyladaha caalamka.

Agaasimaha guud oo ka hadlayey siyaabaha lagu dhiirrigelin karo maalgashiga ayaa sheegay in la tababarayo kaluumaysatada, loona samaynayo goobo lagu kaydiyo oo lagu qaboojiyo, lagana caawiyo dhinaca khubarada kaluumaysiga caalamiga ah.

Dhinaca kalena Md Ilkacase waxa uu digniin culus u diray maraakiibta sharcidarada ah ee ka kaluumaysata xeebaha Somaliland, isagoo ballanqaaday in ciidamada xeebaha Somaliland ay heegan ugu jiraan ilaalinta biyo badeedka Somaliland. iyadoo wasaaraddu ka joojisay dhamaan shirkadihii heshiisyada kula jiray Somaliland ee  kalluumaysan jiray.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed