|

Qarax ka dhacay bartamaha Suuqa Bakaaraha Muqdisho

Muqdisho 15.Aug 2013 (SDN) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax barqadii ka dhacay bartamaha suuqa Bakaaraha Muqdisho kaasi oo la sheegayo inuu sababay dhimashada Sadex  ruux iyo dhaawaca tiro kale.

Nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Xuseen Goley ayaa lagu soo waramayaa in gaarigiisa lagu xiray waxyaabaha qarxa ka dibna uu meel u dhow xarunta shirkada Dahabshiil uu ku qarxay.

Ciidamada DF Somalia ayaa goobta gaaray durba, iyadoo dhaawacyadii loo qaaday dhanka Isbitalada magaalada.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan, waxana marar hore ka dhacay Bakaaraha weeraro sidan oo kale ah.

Xaaladda suuqa ayaa kacsan, iyadoo aan la ogeyn cid ka dambeysa qaraxa iyo sababta loo beegaday ganacsadaha oo horay u ahaa maamulkii shirkaddii xawaaladda ee Global oo ku biiray shirkado kale oo xawaaladeed, waxaana dhaawaca ganacsadaha loo qaadayaa hadda magaalada Nairobi ee dalka Kenya si loogu soo daweeyo.

Dadweyne fara badan ayaa kusoo xoomay goobta uu qaraxu ka dhacay iyagoo dadki ku dhaawacmay ka saaray gaariga, dabadeedna billaabay inay gaariga dambiyaan, waxaana soo gaaray goobta ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo qarax noocan oo kale ah uu Bakaaraha ka dhaco, waxaase dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo noocan oo kale ah oo ay khasaare kasoo gaartay dad rayid ah iyo askar ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya.

 

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed