|

92 qof oo ku dhimatay shilal gaadhi lixdii bilood ee ugu dambeeyay Deegaanada Punt land

Garowe 25.Aug 2014 (SDN/QJ)- Taliska ciidanka ilaalada waddooyinka ee maamulka Puntland ayaa ka war bixiyay shilalkii ka dhacay deegaannada Puntland lixdii bilood ee la soo dhaafay oo ay diiwaan geliyeen ciidanka ilaalada waddooyinka.

Photo File

Photo File

Taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee Puntland Axmed Cabdi Cali (Qan-yare) ayaa sheegay in 778 shil baabuur ah ay diiwaan geliyeen ciidanka lixdii bilood ee la soo dhaafay, kuwaas oo sababay dhimashada 92 qof, iyo dhaawaca 678 qof oo ay soo gaareen dhaawacyo culus iyo kuwo fudud.

Qan-yare ayaa intaas ku daray in shilalkaas ay sidoo kale ku dhinteen 460 neef oo isugu jira geel, lo’ iyo ari, waxaana sidoo kale ku burburay hanti ay ka mid yihiin guryo, baabuur yaryar, baaskiillo iyo mootooyin.

Taliyaha ciidanka ilaalada navbadgelyada wadooyinka ee gobolka Nugaal Ismaaciil Xirsi Qabaal ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga beddelo sharciga loo isticmaalo shilalka baabuurta, isaga oo xusay in la doonayo in aan loo baahnayn in darawalka oo kaliya aan la xirin marka uu shil dhaco.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed