|

Xuska Maalinta Deegaanka Aaduunka oo Somaliland laga Xusay

Hargaysa 05.June (SDN)      Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka Adduunka ayaa laga qabtay Huteelka Ambassador ee Caasimada Hargaysa.

Xuskan Caalamiga ah waxaa ka qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Deegaanka iyo Hawlaha Guud ee Somaliland,Ardayda Jaamacadaha, yo Madax ka tirsan Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka Maxamed Faarax Xirsi ayaa tilmaamay dhibaaatada ay bani aaddamku gacantooda ku gaadhsiiyeen deegaanka ay noloshoodu ku xidhan tahay.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga Maxamud Siciid Muxumed  ayaa iftiimiyay Siyaabaha loo badbaadin karo deegaanka waxaanu xusay in Mudadii uu Xilka Wasaaradaas hayay uu wax badan ka qabtay Sidii dhuxusha looga joojin lahaa Gobolada dalka.

Wasiirka Deegaanku waxa uu intaas ku daray in baahi weyn loo qabo sidii loo daba qabatayn lahaa dhibka baaxada leh ee soo gaadhaya deegaanka kaas oo keeni kara xaaluf ba’an oo dal iyo dadba asiiba.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo ku booriyay dhamaanba Shacabka Somaliland inay Xil iska saaraan Samato bixinta Deegaanka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed