9-Ka Mid ah Garsoorayaashii Tiir-dhexaadka u Ahaa Caddaalad-darrada Maxkamadaha Dalka Oo Cawda Loo Jaray
Hargeysa:June,17,2014(SDN/QJ)-Guddida Caddaalada Somaliland ayaa Shaqadii ay hayeen Dibaddda ka dhigtay ugu yaraan 9-garsoore oo ka Hawlgeli jirey Maxkamadaha Dalka.
Sida ku xusan War-saxaafadeed xarumaha Warbaahinta Dawladda la dhigay, waxa ay garsoorayaashani ka tirsanaan jirey Maxkamaddaha Gobolka Hargeysa ee Rafcaanka iyo midhadh kooban oo Degmooyinka kale ku Qornaa.
Waxa kale oo warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in la magacaabay Beddelkoodii, balse ma jiro wax Magac ah oo laga xusay kuwa cusub ee la sheegay in la magacaabay.
Magacyada Garsoorayaasha Shaqada dibadda laga Dhigay ayaa Ahaa sidatan:
Mawliid Maxamed Cabdillaahi- Garsoore Maxakamadda Gobolka Hargeysa.
Cismaan Ibraahim Daahir (Fanax)- Garsoore Maxakamadda Gobolka Hargeysa.
Jamaal Xuseen Axmed- Garsoore Maxakamadda Gobolka Hargeysa.
Shaakir Maxamed Dubbad- Garsoore Maxakamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa
Cabdiraxmaan Maxamed Xandulle- Garsoore Maxakamadda Degmadda Berbera
Maxamed Ducaale Aadan-Garsoore Maxakamadda Gobolka Sanaag
Cumar Sheekh Maxamed- Garsoore Maxakamada degmadda Laascaanood
Sheekh Axmed Saalax Faarax-Garsoore Maxakamadda racfaanka ee Gobolka Awdal
Mahad Cabsiiye Seed-Garsoore Maxakamadda Gobolka Sool
Magacyada Sagaalkan Garsoore oo muddo dheer la soo shaqaynayey Maxkamadaha ayaa dadku ku sheegayaan inay u badan yihiin kuwii inta Badan caddaalada fogaanshaheeda lagu sheegi jirey, waxana Guddida ku Badatay Ashkatada iyo Cabashada shacabku ka qabaan Kiisaska loo dhiibto.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com