8 Milyan oo Isticimaala Shabakada Facebook ee Dalka Iran oo Dhaqdhaqaaqyadooda Isha lagu hayo.
Tehran 07.March 2015 (SDN/QJ)- Dawlada Iran ayaa sheegtay inay dhameystirtay barnaamij internetka isha ku haya gaar ahaan barta Facebook oo ay dadka ku wada xidhiidhaan.
Xukuumada Iran ayaa sheegtay in hada ay xabsiga dhigtay dad ay ku eedaysay inay Internetka ku faafinayeen qoraal anshax xumo ah oo ka horimaanaya nidaamka dowlada Islaamiga ah ee Iran, waxaana hada si gaar ah isha loogu hayaa 8 milyan Facebook Profile oo laga leeyahay dalka Iran, waxaa warkan shaaciyey Warbaahinta dawlada Iran.
Iran ayaa hore internetka xayiraad u saartay websiteyada dadka ku wada xidhiidhaan, gaar ahaan Facebook, Twitter iyo Youtube, balse Iraniyiinta ayaa inta badan hab kale u booqda websiteyadaa iyagoo adeegsanaya farsamooyin kala duwan.
Tahran SDN/QJ