Mareykanka oo Ciidamo u diraya dalka Nijar ee ay Maali
Washington Feb 24,2013(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa manta u diraysa dalka Nayjar ee xadka la wadaaga Maali diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan “Daroonis” iyo ilaa boqol askari , si ay uga gargaaraan ciidamada huwanta ah dagaalka ay kula jiraan kooxaha maylka adag ee ku sugan dhulka buuralayda ah ee waooyiga Maali .
Dawlada mareykanka waxa ay diyaaradahan ku sheegtay in ka difaaci doonaan kooxahan mitidka ah ee xidhan Alqaacida in ay ku soo fidaan dawladaha galbeedka afrika iyo in ay sameyn doonaan sahamin sugan oo tilmaamaysa goobaha ay kaga sugan yihiin kooxaha mayalka adag buurolayda waqooyi Maali si duqeyn cirka ah loogu fuliyo .
Dhanka kale , Dawlada Jaad ayaa manta sheegtay in ciidamadeeda ku sugan waqooyiga maali ay dileen ilaa shan iyo lixdan ka mid ah malayshiyada mayalka adag , halka dhinacooda ay dagaalkaasi kaga dhinteen sedex iyo toban askari markii uu dagaal culusi ku dhx maray goob ku taala waqooyiga dalkaasi maalintii shalay