Hargeysa: Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Booliska oo faahfaahiyay Shil Baabuur oo Murugo ku beeray Ciidanka iyo Xukuumadda, Akhri xaddiga khasaaraha
Hargeysa Jan. 01, 2012 (SDN)- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa faahfaahin ka bixiyay shil baabuur oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay duleedka dhinaca Bariga ee caasimadda Hargeysa oo sababay dhimashada askar ka tirsanaa ciidanka iyo dhawr qof oo shacab ah.
Taliyaha oo galabta warbaahinta kula hadlay cusbatalka Hargeysa, waxa uu sheegay in shilkaas oo uu dhaliyay baabuur ciidanka Boolisku leeyahay iyo baabuur shicib ah oo isku-dhacay ay ku dhinteen saddex askari oo mid ka mid ahi sarkaal ahaa, isla markaana ay ku dhaawacmeen 25-kale oo ciidanka Booliska ka tirsani. “Waxa dhacay shil tiiraanyo leh oo ku yimid ciidan Boolis ah oo hawl ka soo laabtay. Gaadhi ciidanka Boolisku lahaa oo Pol.80 la yidhaahdo iyo gaadhi kale oo shacab ah oo nooc loo yaqaano Shaamboo-ga ah ayaa shilkaasi ka dhacay,” ayuu yidhi taliyaha ciidanka Booliska Somaliland. Mar uu ka hadlayay khasaaraha ka dhashay shilkaas ka dhacay deegaanka Halaya ee dhinaca bari ee caasimadda Hargeysa, waxa uu yidhi; “Dhimashadu waxa weeyaan; sarkaalkii ciidanka watay iyo laba askari, dhaawacuna waa 25 askari, waana shil aad u culus.”
Mr. Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray ciidanka Booliska Somaliland, wuxuuna Allaah uga baryay inuu u naxariisto inta ku dhimatay shilkaas, caafimaad degdeg ahna siiyo dhaawaca.
Waxa uu sheegay in shilkaas oo ay sidoo kale ku dhinteen ilaa laba qof oo kale oo shicib ah oo baabuurka shicibka ah saarnaa uu Boolisku baadhayo sababaha dhaliyay, kaasoo tirada ku dhimatay ay shan qof tahay. “Waa naxdintii ugu cuslayd ee i soo marta intii aan ciidanka Booliska ku jiray, waanaynu ku samraynaa,” ayuu yidhi taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan.
Dhinaca kale, Wasiirka Daakhiliga Somaliland Mr. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isna warbaahinta la hadlay, waxa uu muujiyay siday xukuumaddiisu uga murugaysan tahay shilkaas dhacay. “Waa shil tiiraanyo leh oo wax weyn ayaa dhacay oo Illaahay qadaray, wax Illaahay ka soo horjeedana odhan mayno oo askari iyo shiciba waa la dhimanayaa,” ayuu yidhi Wasiir Duur. Ugu dambayn, wasiirku waxa uu dhambaal tacsi ah u diray inta ku dhimatay shilkaas, wuxuuna Alle ka baryay inuu caafimaad siiyo inta ku dhaawacantay.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com