Ingiriiska oo ku raad jooga Muwaadin Soomaali ah oo xiriir la leh Al Qaacidda
London Jan 01 2013 (SDN)- Sarakisha booliska wadanka biriten ayaa ka digay qof Soomaali ah oo la shegay in uu doonayo weerar argagexiso uu ka fuliyo wadankaasi kaasi oo ay baadi goobayaan ciidamada wadankasi biriten.
Muwadinkasi oo lagu magacaabo Ibrahim Magag oo 28 jir sano ah, ayaa wxa ku radjoga saraakisha sirdonka wadankasi.
Wasiirka amanka wadankasi James Brokenshire oo hadlay aya shegay in qofkasi laga xayiray safarada clamka.
Wasiirka ayaa tilmamay in qofkaasi uu qorsheenayay weeraro argagexiso ah oo ka fuliyo wadankaasi waxana uu xaqiijiyay wasirka in qofkasi uu tagero maaliyaded u fidiyay al-Shabab.
Booliska wadankasi aya la galiyay feejignaan aad u xoogan waxana la dhajiyay sawirada wilkasi somaliga ah.
Ibrahim Maygag ayaa ka tirsanaa Shabakad fadhigeedu yahayUKoo taageerta Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya taasi oo si furan xiriir u laleh Ururka Al Qaacidda.
SDN-London