Hay’ada Shaqaalaha Dawlada oo Shaqaalaha ku amartay in Goobaha ay ka hawl galaan laga helo
Hargaysa SDN 25 Dec : Hay’adda shaqaalaha dawladda ee JSL ayaa war qoraal ah oo ay maanta ka soo saareen xaruntooda guud ee Magaalada Hargaysa waxay ku wargeliyeen dhamaan wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banana ee dalka inay shaqaalahooda gobolada ku diyaariyaan goobaha shaqada iyadoo guddi ka tisan hay’adda shaqaalahu ay kormeer ugu bixi doonto Gobolada Dalka.
Warbixintan qoraalka ah oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada SDN ayaa hay’adda shaqaalahu waxay wargelinteeda ku cadaysay in gudida kormeerkan ka samayn doonaan gobolada Bari ee dalka, gaar ahaan magaalooyinka Ceerigaabo. Laascaanood, Ceel Afweyn, Caynabo iyo berbera, waxaana hay’addu si gaar ah ugu wargelisay shaqaalaha bangiyada iyo wakaaladaha biyaha iyo Korontoda ee magaalooyinka Burco iyo Berbera in ay ku diyaargaroobaan goobahoodii shaqada.
Qaybta dambe ee warbixinta hay’adda shaqaalaha dawladda waxaa lagu cayimay in kormeerkaasi bilaaban doono 28 bishan Dec.
Si kastaba ha ahaatee Kormeerkan ayaa lagu soo Waramayaa inay Shaqaalaha Dawlada ku soo samayn doonaan Madax taabasho ay ku hubinayaan Tirada Shaqaalaha ee ka hawl gala hay’adaha dawlada
Hargaysa SDN