|

Muqdisho Dec 18 2012 (SDN)— Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu la qaatay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Amb Maxamed Saalax Anadiif kaasi oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Kadib kulanka ayaa waxaa saxaafada si kooban ula hadlay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo si gaar ah usheegay in ujeedka kulanka uu aha mid isbarasho ah laguna soo hadal qaaday howlgalada AMISOM ee Soomaaliya.

Amb Maxamed Saalax Anadiif ayaa dhinaca kale sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay siiwadista howlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka islamarkaana ay sii socon doonaan inta Soomaaliya lagu soo celin doono nidaamkii iyo kala dambeyntii ay laheyd Soomaaliya.

Wakiilkan cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Anadiif ayaa dhawaan wuxuu xilka kala wareegay Amb Abaabakar Diara oo horay u ahaa qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya.

SDN-Muqdosho

Comments are closed