Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL ee Hargeysa oo ka jawaabayaa dhawaaqii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Britain
Hargeysa Jan 29,2013(SDN)-Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL ee Hargeysa oo ka jawaabayaa dhawaaqii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Britain 27th January, 2013 ee lagu wargeliyay muwaadiniinta Ingiriiska inay ka baxaan Somaliland sababo nabadgelyo, wuxu caddaynayaa xaqiiqada nabadgelyada buuxda ee ka jirta Somaliland iyo feejignaanta xukuumadda Somaliland inay tahay mid muwaadin iyo ajaanib cidkasta oo cariga Somaliland ku sugani ay ku kalsoontahay sida ay Somaliland caan ku ahayd wakhti dheer mana aha nabadgelyada Somaliland mid sinaba loo barbar dhigi karo xaaladaha ka taagan wadamada gobolka qaarkood.
Qurba-joogga Somaliland ee haysta dhalashada dalka Britain waa kuwa ugu badan ee ku hawlan maalgashiga dalkooda amniga ah, in badan oo ka mid ahina ay sannad walba ku soo guryo noqdaan dalkooda si ay u maalgashadaan, waxna uga qabsadaan
Waxannu leenahay Qurba-joogga Somaliland, waxad u tihiin xog ogaal amniga iyo nabadgelyada dalkiina, waxannu caddaynaynaa inaanay jirin wax ku soo kordhay Somaliland oo aad ka warwartaan haba yaraatee.
Waxannu ku tilmaamaynaa warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK inay ahayd tallaabo aan laga fiirsan, isla markaana aanay reer Somaliland ka filaynin dawladda Ingiriiska.
Maxamuud Cabdi-raxmaan Cali
Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL
28th Jan, 2012