|

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo kulan la yeeshay Ganacstada

Hargeysa April 15,2012(SDN)-Madaxweyne ku xigeenka jsl  mudane  c/raxmaan c/laahi  ismaciil saylici oo uu weheliyo  wasiirka  wasaaradda  ganacsiga  c/risaaq  Md  khaliif  ayaa  maanta ka qayb galay  kulan ay isugu yimaadeen  xubno ka mida  ganacsatada  dalka  oo lagu qabtay  huteel  maansuur  ee magaalada  hargeisa.

Sida ay sheegtay  wakaaladda wararka ee solna  ulan kan oo ay  kasoo qeyb galeen  hay’adda  “KBMG”  oo ah  hay’adda  ka shaqeysa  horumarinta  adeegyada  Africa, islamarkaana  u diyaar ah inay  maagalin ku samayso  ganacsatada  Somaliland.

Wasiirka  wasaaradda  ganacsiga  Md C/risaaq Khaliif  oo halkaasi ka hadalay  ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hay’adda ,  maadaama  ay  waddamo badan oo African  ah  ay  ka hawlgasho.

Madaxweyne ku xigeenka  jsl  mudane  C/raxmaan  c/laahi  ismaaciil  saylici   oo a hdlay  halkaasi ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo dhmaan cidda soo agaasintay  kulankan ,  waxaanu intaa kud aray  in ay  tahay  fursad  waxbadan ka tari doonta  dh aqaalaha dalka ,  islamarkaana   dawlad ahaana  ay  soo dahweynayaan in kor loo soo qaado  waxsoo saarka dalka.

 

Madaxweyne ku xigeenku  waxa sidoo kale  uu u mahadcelin u soo jeediyey   ganacsatada  dalka oo sheegay  in dadaal xoogan ay  soo galeen,  waxaanu gabagabadii  uu sheegay  in mashruucani  uu kaabi doono dhaqaalaha dalka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed