500-Tahriibe Oo Badda Yurub iyo Afrika u dhaxaysa ku Dhintay iyo Doonidii ay Saarnaayeen Oo Si Badheedh ah Loo Qallibay
Malta:Sep,16,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegtay Hay’ada Caalamiga ah ee Socdaalka dunidu, waxa toddobaadkan Xeebta Jasiirrada Malta ku Geeriyooday ku dhawaan 5000-Tahriibe oo si ula kac ah loo qallibay doomihii ay saarnaayeen.
Afhayeenka Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka Christiane Berthiaume, ayaa sheegtay in doonta degtay ay ka soo shiraacatay xeebta Damietta ee dalka Egypt horaantii bishan ayna saarnaayeen dad u dhashay wadamada Syria, Falastine, Egypt iyo Sudan.
Doontan ayaa degtay Arbacadii aynu ka soo gudubnay kadib markii dadkii wax tahriibinayay ay si ulakac ah ugu dhufteen doontii dadka tahriibayay ay saarnaayeen doon kale kadib markii ay dadkii tahriibayay ay diideen inay raacaan doon yar.
Haweeneyda afhayeenka u ah hay’ada caalamiga ah ee socdaalka ayaa sheegay in labo ruux oo u dhashay dalka Falastiin ah oo ka mid ahaa dad fara ku tiris ah oo doonta degtay ka badbaaday ay sheegeen in khilaaf dhinaca dadka tahriibinayay iyo kuwa tahriibayay ka dhashay awgeed ay u dagtay doonta.
Illaa sagaal ruux oo kaliya ayaa ka badbaaday doontan iyadoo dadkaasina dayuurad helikabtar ah loogu qaaday dalka Giriigga.
Warkan ah doontan dadka badan ay ku dhinteen ayaa soo baxday iyadoo doon kale oo ka tagtay xeebaha dalka Libya ay dagtay iyadoo ay saarnaayeen 250 ruu xoo u badnaa dad Afrikaan ah oo ku sii jeeday qaarada Yurub,
Wararka ayaa sheegaya in doontan ay subaxnimadii hore ee Isniinta ay ku dagtay meel ka fogeyn xeebta magaalada Tripoli sida uu sheegay afhayeenka ilaalada xeebaha dalka Libya Qassim Ayuub.
Qassim ayaa sheegay in la soo badbaadiyay 36 ruux oo ay saddex haween ah ku jiraan, sidoo kale waxaa ilaalada xeebaha Libya ay arkeen maydad badda Heehaabaya.
Dadka tahriibaya ayaa tiradoodu ay korodhay tan iyo markii kumanaan ruux ay ka barakaceen dagaalada ka dhacaya wadamada Siiriya iyo Ciraaq iyo Waliba Ciraaq.
SDN/QJ