50-Magac OO Qaarkood Somalidu Caan Ku Tahay Oo Sucuudigu Ka Mamcuunay In Loo Bixiyo Carruurta Dalkaasi Ku Dhalata
Riyadh:16-March-2014(SDN)-Dawladda Dalka Sucuudiga ayaa Mamnuucday in Carruurta Dalkaasi ku Dhalata Loo Bixiya Magacyo Magacyo Tiradoodu Gaadhayso Ilaa Konton Magac.
Magacyada Laga Mamnuucay In Loo Bixiyo Ubadka yar yare e Dalkaas ku Dhalanaya, ayaa Lagu Sababeeyey Sababo Dhawr ah, waxana Amar Lagu Bixiyey inaa La Diiwaangelin doonin carruurta loo Bixiyo Magacyadaas ay Dawladdu Diidday.
Sababaha loo cuskaday magacyadan la Mamnuucay, ayaa waxa ugu HOrreeya Inay ka soo Horjeedaan Diinta, Qaarkoodan Dhaqanka ayey ka Dhan yihiin ayaa La Yidhi, Halka kuwa Kalena lagu Diiday inay yihiin kuwo Ajaanib ah oo meelo kale laga Soo Waariday.
Magacyada Kontonka ah ee laga Mamnuucay Dalkaasi, ayaa wax aka mid ah maaya, ALmamlaka, Cabdul-caafi, Cabdulnaasir, Cabdulmuslix, Jibriil iyo Kuwo kale oo Badan.
Tallaabadan ka soo Baxday Dawladda Dalka Sucuudiga ayaa muran badan ka dhex dhalisay Shacabka Sucuudiga, waxana Haatan la sheegayaa in Magacyadan la Mamnuucay ay Qaarkood leeyihiin xubno ka mid Reer Boqorka Dalkaas Xukuma.
Waa markii ugu horraysay ee Dawlad ka mid ah kuwa Islaamku ay Mamnuucdo Magacyo qaarkood yihiin kuwa islaamku caan ku yihiin, waxana si weyn loo Hadal hayaa Magaca Jibriil oo dad badan oo Somali ahi la baxaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com