50-Madax-dhaqameed Oo Ka Soo Jeeda Beesha Hawiye Oo Hargeysa soo Gaadhay, Madaxtooyada Oo Saxaafadda u Diidday iyo Warar ka soo Baxaya Ujeeddadooda
Hargeysa:May,08,2014 (SDN/QJ)-Waxa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Soo Gaadhay shalay Gelinkii Dambe Madax-dhaqameed Reer Muqdisho ah oo aan la fahmin ujeeddada ay halkan u yimaadeen.
Ujeeddada Odayaashan oo dhammanatood la sheegay inay ka soo jeedaan Beesha Hawiye, ayey Madaxtooadu Gawaadhi kaga soo daabushay Madaarka, waxana loo diiday inay saxaafaddu wax sawirro ama war ah ka hesho dhaqdhaqaaqooda.
Hadal-haynta Kooxdan Odayaasha ah ee Somaliland Timi ayaa Muddooyinkanba laga Hadal hayey Somaliland, waxase Shaki badani ka dhashay sababta ay Madaxtooyadu u qarinayso, maadaama aanay arrintoodu siyaasad ku lug lahayn.
Madax-dhaqameedkan ayaa Wararka hoose ee aanu Haynaa ay sheegayaan inay Kulamo Hoose la yeellan doonaan Guurtida, Salaadiinta, waxgaradka iyo Waliba Madaxweynaha Somaliland muddada ay Hargeysa ku sugan yihiin.
Xukuumadda Somaliland wali kama ay hadlin ujeeddada odayashani dalka u yimaadeen, marka laga reebo inay diideen in saxaafaddu aragto ama la kulanto Kooxdan.
Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta ujeeddada kooxdani leeyihiin, waxase soo baxaya warar sheegaya inay u socdaan sidii ay Somaliland uga xambaaran lahaayeen Tallaabooyinka ay ku gaadhay Horumarka iyo Nabadgelyada, maadaama ay Goobaha Kooxdani ka timi Muddo dheer ka bixi la’yihiin Dhibaato Nabadgelyo darro kaw ka tahay.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com