|

3rd Annual of MN 6 I Group Somali Photo Exibition on

Baryahan dambe Somaliland sida aad lawada socotaan waxa leynagu soo dhextuurayey Bakeylayaal siyaabo kala dawn leynoo hordhigo hadaba waxaa loo dhigaa qaabab kala duwan oo ah heer qaran,deegaan iyo Shaqsiba. Tusaale ahaan hadaynu qaar kamida soo qaadano
1- Shirqoolkii HUBAAL ee isku dey dilka ahaa oo loogu talo galey in dadka deegaanka Hargaysa leysaga horkeeno ,arintaa waxaa mahadeeda le ILLAAHEY iyo waxgaradkii tilmaamay Bakeylaha oo ay ka mid ahaa yeen Xasan Ciise Jaamac, Cali Gurey iyo dhibanayaashii hubaal oo si isku mida tilmaamay inuu arinkani dhaafsanyey Bakeylahan la soo direy.
2- Xildhibaan Qabiile oo leysku dayey in ladilo hadaba nasiib daro waxaan Tvga ka daawaney reer Sheekh oo Bakeylihii eryanaaya.
3- Wasiir Samaale oo loo dhigay Beel iyo Muuse oo isaga is eryadkiisii wali socdo.

Waxaa jira mid iyada loogu talo galey inlagu jahwareeriyo ama lagu mashquuliyo Shacbiga Somaliland bal aan iyagana Tusaalayaal idiin soo qaado:
1- CAWJADA(Xirsi) waxa loosameystey gaashaan iyo inlaysaga dhigo wixii xumaana oo hadhowna inagu filnaato ninkii waa la eryey,arintani way shaqeysay sidii loog talogaley ayeynu ugu shaqeynaa inagu oo dambikasta cidii gaysatey ama aynu wax udhiibaney kama hadalnee Xirsi uun baynu eryanaa.
2- BAKEYLII BAKEYLAYAASHA waa wadada Ceerigaabo hadaba waxaad bal ufiirsataa xiligii tan leynoo turey xaaladaha taagnaa a- Fool xumadii ka dhacdey Madaarka Hargaysa ,b- Shirkadii Baatroolka ee aan wali lagaraneyn sababta ay ubaxdey , c-arintii madasha ee ay soo bandhigeen oo ay ku kasbadeen shacbiga taasi oo aheyd dhaliilihii ay dowladu jawaabta uweydey markii ay waxba ka tari waydey ee ay iska caabinkariwaydey waxay soo dhaqdhaqaajiyeen Odayaal iyo Caaqilo , dhinacakale hadaynu ka eegno waxay noqotey arin ay siyaasiyiin iyo xisbiyada mucaaridku ay ka gaabsadeen dhaliilaheeda iyaga oo iska dhowraya inay eedi kaga timaado beelaha ku dherersan wadadaa kana baqayaan inay taageerada beelahaa ku waayaan.Bakeylahani waa seef Toban koone wax u jareysa.

Guntii iyo gabagabadii wadadani waxay noqotey Buste la huwiyey wixii ay galdoloolooyin iyo ceebaheedii dibada iska yaaley la huwiyey ee dhagxaantii horaba waa inoo yaalaan.

Qalinkii Rooda Cusmaan Mustawi

Dhamaad

Comments are closed