31 Sanno Ka Dib Maanta Oo Kale Dacwadii Dilka Iyo Xabsi Daa’inka Ee Maxkamaddii Macangaga Ahayd Ee Siyaad Barre Qallinkii Fu’aad Shibin
Waxaa subaxaasi la i qabanaayay bakhaarkayga iigu yimid oo iigu soo gallay laba nin oo ka socday haayaddii loo yaqaanay Hangashta inyar ka dib markii ay gudaha bakhaarkayga oo aan marka ku sugna soo galleen, ayey magacayga i weydiiyeen, ka dib markii ay xaqiiqsadeen in aan ahay ninkaan doonayo ayey i tuseen kaadhadhkoodii aqoonsiga.
Waxay ahayd bishii ugu murugadda iyo muraaradilaaca badna caasimadda Hargeysa, ka dib markii raxan dhalinyaro u badan oo dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeday lagana soo uruuriyay dhammaanba goboladii Soomaaliya ka koobnayd la iskugu keenay Hargeysa 11 kii bishii July sannadkii 1984 kii.
Haddaba sidii ay wax u dhaceen, murugaddii, ciilkii, xabsigii dilka iyo xabsi daa’inka waxaa qallinka u qaatay inuu shacabka Somaliland uga waramo sida xukunkaasi u dhacay, waayahii xabsiga, Mujaahid Fu’aad Maxamed Shibin oo ka mid ahaa dhalinyaradii iyagu markii hore lagu xukumay dilka, markii danbana xabsi daa’inka.
Qoraalka Mudane Fu’aad wuxuu ku bilaabmay sidani:
“Waxaan ahay Fu’aad Cisman Muxumed Shibin, aniga iyo saaxiibaday ama aan idhaahdaba eh ilmadeeraday waxaa nala xidh xidhay intii u dhexaysay 30 bishii June sannadkii 1984 kii ilaa 08 August sannadkii 1984 kii.
Aniga waxaa la isoo qabtay oo la i xidhay maanta oo ay ku beegnayd 11 July sannadkii 1984 kii oo laga joogo maanta 31 sanno, waxay ahayd maalin arbaca ah, saacadduna tilmaamaysay 10:45 barqanimo, wakhtiga waxaa la iga qabtay dukaan ganacsi oo Bakhaar ahaa oo aan ku lahaa badhtamaha caasimadda Hargeysa, daarta waxaa lahaa Reer Cali Mataan oo ah alla ha daaye reer maal-qabeen ah oo Hargeysa ka caan ah oo aan ka kiraystay.
Waxaa subaxaasi la i qabanaayay bakhaarkayga iigu yimid oo iigu soo gallay laba nin oo ka socday haayaddii loo yaqaanay Hangashta inyar ka dib markii ay gudaha bakhaarkayga oo aan marka ku sugna soo galleen, ayey magacayga i weydiiyeen, ka dib markii ay xaqiiqsadeen in aan ahay ninkaan doonayo ayey i tuseen kaadhadhkoodii aqoonsiga.
Inyar ka dibna waxay i saareen gaadhi u hor taagna bakhaarkayga, Ninka darawalka ah ee iyaga gaadhiga u waday waxaa la odhan jiray Xasan Xariif, gaadhigii waxaa loo dhaqaajiyey dhinaca iyo xaruntii ciidamaddii loo yaqaanay Dhabar-jabinta oo maanta xarun u ah ciidanka asluubta Somaliland kana soo horjeeda cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Halkaasi waxaan ku xidhan hal saac oo keliya, waxaa la ii gudbiyey qaybtii 26-aad ee jeelka dhexe ee Hargeysa ku dhex yaallay, oo ahayd meel dadka lagu baadho, isla markaana ciidamadda nabad-sugiddu ay gacanta ku haysay, halkaasina waxaan ku jiray oo ku xidhna ilaa bishii September 24keedii sannadkii 1984 kii, intii aan ku jiray halkaasi waxaanu isku dhex aragnay oo isku baranay ilaa dad gaadhaya 30 qof oo laga soo xidh-xidhay dhammaanba daafaha magaalada Hargeysa iyo magaalada Muqdisho oo iskugu jiray rag iyo dumarba.
Askarta marka isoo xidhay ee iigu timid bakhaarka waxay qayb ka mid ahi abaareen gurigayga oo ku yaalla xaafadda Axmed Dhagax (Ex Iftin), ka sii jeedka dugsigii sare ee xalane, una dhakhtarka Drs Edna Aadan Ismaaciil, waxaan ogaaday in ay gurigayga galalafeen, isla markaana dhaawacyo gaadhsiiyeen xaaskayga iyo caruurtayda oo marka guriga ku jiray.
Ragga aanu goobtani ku wada xidhanahay waxaa qaarkood laga soo qab-qabtay magaalada Muqdisho iyagoo qaarkood ku jira fasaladdii Jaamacaddii Lafoole gudaheeda.
Muddadaasi aanu xabsiga ku jiray xarunta jeelka dhexe ee Hargeysa, dadka badidoodii waa la sii daayay, waxaa keliya lala hadhay 20 Nin oo aan ku jiro.
Waagii baryaba waayo lahe markay taariikhdu ku beegnayd 26 September sannadkii 1984 kii ayaa labaatankayagii ragga ahaa ee lala hadhay waxaa naloo ogolaaday inaanu qareeno noo dooda qabsano, marka waxaa isku tagay dhammaan ehelkayagii dibadda joogay ee ka war hellay xadhigayaga labaatankayaga ninba.
Labaatankayagii nin waxaa naloo qabtay shan garyaqaan oo marka caan ka ahaa geyiga Soomaalidu degto oo uu madax u ahaa Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble, waxaa kale oo ka mid ahaa Dr. Xuseen Bille Cumar Furre oo aanu qaraabo nahay.
Maxkamadda nala hor keenay waxay diyaarsatay eedaynta nalagu soo oogay iyadoo noo cuskatay qodobka Qarran Dumis oo ku qora tirsiga 54-aad xeerka ciqaabta guud ee Soomaaliya.
Taariikhdu markay ahayd 03 October sannadkii 1984 kii ayaa nala soo hor istaajiyey maxkamadda badb-baadada waxaana na xukumay guddoomiyahii maxkamadda badbaada oo la odhan jiray Sareeye Guuto Maxamuud Geelle Yuusuf.
Maalintii runtii waxay noo ahayd maalin madaw, shakhsiyana aanay jirin maalin igaga adkayd intaan noola, magaalada Hargeysa waxaa subaxii maxkamadda nala keenaayay lagu soo rogay bandoo, waxaana goob kasta la dhigay ciidamaddii loo yaqaanayo koofiyad casta, xukunkiina wuxuu u dhacay sidani:
7 Qof oo dil lagu xukumay, 8 qof oo xabsi daa’in lagu xukumay, hal qof oo 15 sanno oo xadhig ah lagu xukumay, iyo 4 qof oo min seddex sanno oo xadhig ah lagu xukumay, waxaana ay kala ahaayeen xubnaha xukunka lagu riday sidani
Magacyada 7-da Qof Ee Dilka Lagu Xukumay
1. Cabdirisaaq Ibraahim Kooshin Alfo
2. Yuusuf Muxumed Jaamac (Yuunyo)
3. Cabdiraxiim Maxamed Baaruud (Bidhiidh) (Ilaahay ha u naxariisto wuu dhintay)
4. Cabdi Ismaaciil Muxumed.
5. Axmed Sheekh Ibraahim Sheekh Cumar (Kanadi)
6. Sheekh Maxamed Baashe Baashe Sheekh Cismaan Cali
7. Cabdi Dhamac Caabi (Ilaahay ha u naxariisto wuu geeriyooday)
Magacyada 8-da Qof Ee Xabsi Daa’inka Lagu Xukumay
1. Fu’aad Cismaan Muxumed (Shibin)
2. Maxamuud Aw Cabdi Muxumed (Faraska Cad)
3. Saleeban Ismaaciil Xuseen (Cirro-weyne) (Allah Ha U Naxariisto wuu geeriyooday)
4. Ismaaciil Muxumed Jaamac (Daldal)
5. Muxumed Ismaaciil Cumar (Haabiil)
6. Axmed Maxamed Aw Cali (Bakey)
7. Xasan Maxamed Aw Cali (Dubbe)
8. Cali Cabdi Faarax (Cali Gaab)
Magaca Halka Nin Ee 15 Sanno Lagu Xukamay
1. Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas ) (Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo wuu geeriyooday.
4 Qof Ee Lagu Xukumay 3 Sanno Magacyadooda
1.Cabdirisaaq Axmed Cilmi
2.Cali Maxamuud Cismaan (Jiir)
3.Cali Yuusuf Ducaale (Akishe)
4.Ismaaciil Cismaan Muxumed (Canbuul)
La Soco Qaybta 2-aad
Qallinkii Mujaahid Fu’aad Cismaan Muxumed (Shibin)
Mobile: 44-7943654936
Email: shibiin26@gmail.com