|

30 Qof oo ku dhaawacmay Dagaaladii Kismaayo oo lagu dawaynayo Magaalada Galkacayo

Galkacayo 02.July (SDN) Wasiirka Caafimaadka Dowlada Puntland Dr.Cali Cabdilaahi Warsame ayaa Maanta Sheegay  in la soo gaarsiiyay magaalada Galkacyo qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladii Kismayo ka dhacay todobaadkii tagay.

Dr.Cali Cabdilaahi ayaa sheegay tirada dhaawacyada la keenay Galkacyo inay dhan yihiin 30-qof oo qaba dhaawacyo kala duwan,wuxuna intaasi sii raaciyay maalinta barito ahna in la keeno doono 70-qof oo dhaawacyo qaba.

Masuuliyiinta Dowlada dhexe ee DF Somalia ayuu ku eedeyay inay ka danbeeyaan dagaaladii ka dhacay magaalada Kismayo ee sababay dhaawaca intaasi le’eg,wuxuna sheegay inay la yaab tahay sababta ay DF u diiday in ay soo fasaxdo diyaradii dhaawacyaadi qaadi lahayd oo wali ku xaniban magaalada Muqdisho.

Diyaarada maanta dhawacyada soo qaaday ayuu sheegay Cali Cabdilaahi in laga soo kireeyay magaalada Nairobi,ka dib markii masuuliyiinta DF ay hor-istaageen diyaaradihii Muqdisho ku sugnaa ee dhaawacyadaa Puntland u soo qaadi lahaa.

Docda kale mamulka Isbitaalka magalada Kismayo ayaa noo xaqiijiyay inaysan qaabili karin dhaawac intaasi le’eg,ayna ku faraxsan yihiin in Puntland lagu daweeyo.

Dowlada Puntland iyo shacabkeeda ayaa kaalin wayn ka qaaday sidii loo bad baadin lahaa shacabka ku dhaawacmay dagaaladii Kismayo ka dhacay oo aan ilaa iyo hada xukumada Somalia aysan soo hadal qaadin marka laga raabo dagaalka hala joojiyo.

Dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay AMISOM ayaa dagaaladii Kismayo ku sheegay kuwo DF Somalia ay qaadayso masuuliyadooda ,waxana haatan degan magaalada oo noloshu dib ugu soo laabtay maalinkii labaad ka dib dagaalo ka dhacay halkaasi.

Galkacayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed