|

30-Ka Mid ah Somali Tahriibayaaleed Oo Lagu Xidhay Dalka Masar, kuwaas Beegsanayey Qaaradda Yurub

Alexandria:Dec,02,2014(SDN/QJ)-Muhaariin shisheeye ah oo iskugu jira afrikan iyo carab kuwaas oo doonayey inay si sharci darro ah kaga baxaan xeebaha dalka masar gaar  ahaan xeebta magaalada al iksaandariya, ayaa ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen.

Bossasso jailWaxa la xidhay soddon qof oo iskugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo dhammaantood wada Somali ah, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay Tahriibayaal kale oo u dhashay Dalalka Sudan, Ethiopia iyo Eritria.

Dadkan ayaa ku jihaysnaa dhinaca yurub, waxana ay doonayeen inay beegsadaan Dalalka Yurubta oo dadka Afrikaanka iyo Eeshiyaanka ahi kusii qulqululayaan.

Dalka Masar waxa si xoogan ugu soo qulqulaya Dad ka yimi dalal afrika u badan, kuwaas oo doonaya inay dhinaca Yurub si uun u gaadhaan, waxana haatan ka hor ciidamada Ammaanka dalkaasi gacanta ku dhigeen dad Somali u badan oo doonayey si dhuumasho ah kaga baxaan Xeebaha dalka masar.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed