3 xagalka tuugta,Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
Mudo badan oo qarankeena somaliland soo jira, waxaa si qoto dheer ugu dhidib-aastay 3 qolo, oo aan dantooda mooyee aan mid kale uba jeedin, kuwaas, oo sidii dufan-jecesha iyagu isku roon oo aan inta kale hoosba u deyin.
Waxana aan rabaa bal in aan idin la wadaago, 3 qolo ee dabar adag oo shakaala, geediga bulshada somaliland ku noqday, in aa bal aan idin soo hor-dhigo, si aan ugu yaraan aan isga ogaano, inta goori goor tahay, aminta dhawna aan isaga dul-kicino, hadii Eebe yidhaa. Qoladaasi waxa ay ka kooban tahay,oo ay yihiin
Siyaasi maan-gaaba
Kalidii noole ( ganacsatada )
Gees-garaaca ( dufan-jecesha )
Kuwani waa gofanaha iyo gabaarayda ku naaxday dhiiga bushada, oo kaliya waa mareego isku xidhan oo si gaara ugu caano-maalay korinta iyo kobcinta dantooda iyo in midiba kan kale ku dul noolaado, oo aan hoos u eegin bulshada inta kale oo ah wixii ka soo hadhay 3 qolo. Hadaba aan bal mid mid u dul-istaago, aniga oo mid kasta dulka-xaadis kooban ka bixin doonaa, halka sartu ka qudhuntayna sheegi doona, wixii la hoboon in ay yeelaan ku xigsiin doona, si iyaguna bal wax isula hadhaan, bulshaduna u ogaato.
Siyaasi maan-gudhan
Bulsho waxaa is dhaafiyay oo kala kor-mariyay waa hogaamiye, kaas oo ah cadcceeda ay iftiin sadaan marka waayuhu adkaado, waan ka u sahan taga, bulshadiisa, ee maaha ka ku sahan taga bulshada, ee ku guura, sida ay u bateen raga maanta caynaanka inoo hayaa. Raga maanta hogaanka inoo haya iyo raga kale ee u soo hamuumayaaba isma dhaamaan, waayo si dhaba uma garanaayo, waxa ay bulshadu rabto iyo waxa aanay rabin, kaliya waxa weedhoodu ku soo koobantay, erayo laab-qaada oo xodxodasho ah, oo ay bulshada ku laab-salaaxaan, ee ma hayaan qorshe cad oo ay qaranka ku hitiqiyaan, waana halkaas halka aan ka dhutiyaynaa hadii aan nahay bulshada somaliland. Waxana ay siyaasiyiinteenii u bateen, raga raba in ay dab huriyaan hadaba biyo ku furaaya, markuu sii damaayana gaas ku daraaya, oo ah raga aan jid iyo jaro midna lahayn, waxa ay rabaan lama garanaayo, waxa ay diidayaan lama garanaayo, bushadana waxa aad moodaa in lagu yidhi waxab ha u sheegina, waana raga uu Abwaan gaariye ku xusay Maansadiisa Daba-taxan, ee uu yidhi, daba baan huri is-leeyahay daadna waan ku furayaa markaan dami idhaahdan gaas baan ku darayaa daratiyo kud iyo caal kala dooro mooyee marna waxa dubuurta ah ma idhaa ka diga rogo daganaana uma dhalan dubaha igu soo maqan lagu sii dareemoo jeeroo dakharku igu dhacao kama sii digniin helo daran yana allaa baday xaynta ii dareertoo intaan daawad lala tagin uma baran dar yeeloo digdigtaan ku filanahay markay dhacanto dabadeed lagu baadi-doonoo damiyaayda dhiilada Si aan hadaba u gudano xilka ina wada saaran, ee waliba si gaara u saaran dadka aqoonta lihi, waa in ayna ku milmin qudhunkaas, si taas looga badbaado, oo godka ay ku jiraan aan loola galin, iyagan looga soo saaro qudhunkaas ay ku jiraan, waxaa haboon in ay yeelan qodobadan, si geedigu u noqdo mid aan ku wada mahadino, iyaguna u sii kordhistaan taageerada ay raadinayaan, ee ka gashay meesha liidata, ee ah hebel waxa ay isku hayb yihiin hebele aan isaga ka hor-jeedino, si taas looga weecdo faca soo kacaayana loogu hitiqiyo tubta haboon iyo hab-dhaqan siyaasadeed oo maamuus iyo milgo leh, waa in aan yeelnaa sidan,
In qaranku yeesho halbeeg geedi guur oo si dhaba loogu hagar baxay, oo ay ku cadahay waxa uu u baahan yahay qaranku, ee in laqabto ah, iyo wixii ku baxaaya, iyo aminta ay hawshaasi ku dhamaanayso.
In qaranku yeesho kala mudnaanta hawsha, oo ka mida rukunada ugu mudan ee qaran geedi dhaba ku guuri karaa, sida ay hawshu u kala mudan tahayna loo kala hormeeyaa.
In hogaanka bulshadu, (siyaasiyiintu) ay ka dhigtaan dadka dhawrsan ee aqoonta leh, lataliyayaal, dhan kasta oo hawsha qaranka ahna aqoonta lagu xidho, si hawsha la qabanayaa u yeelato midho dhal wacan iyo udgoon, taasna waxa keeni kara marka hawsha lagu iidaamo aqoon dhaba
In hogaanka qaranku ka weynaado wax yar ee liita ee ay ka raadinayaan, taageerada, ee ay bulashada waxa dhaba u qabtaan, waayo taas baa dadka wada deeqaysa, taageeraduna halkaas bay ku jirtaa, ee kuma jirto, ZAAD ka eego oo u jawaab hebel.
In ay si dhaba u kobciyaan kaaba yaasha nolosha, kuwaas oo ay bulshadeeni hamuun weyn u qabaan, waxan ugu mudan
@ wax-barashada, iyo kobcinta aqoon baadhista, taas oo geedi dhaba bulshada somaliland ku guuri karto hadii mood iyo noolba ay galiyaan, waxan caynaanka u qaban kara hogaanka bulshada, oo hadii ay ka go’an tahay ku hogaamin kara taas, waana halka maanta bulshooyinka horumaray ay ka sameyaan hantida ugu badan, sita iyo koboca dhaqaale ee bulsho ku faantaana waa halkaas, waa marka ay aqoon ku hogaaminayso bulshooyinka kale ee aduunka, ee ay si dhaba u tayayso aqoonteeda iyada oo dhaqankeeda ku iidaamaysa, si aanay u muunad guurin bulshadu.
@ caafimaadka, oo ay ugu horayso helida biyo nadiifa, ilaa laga gaadho halka ugu saraysa ee ilaalinta qofka fayo-dhawrkiisa, waayo sida loo rabo in qofka looga faaiidaysto aqoontiisa iyo maankiisa, waxa loo baahan yahay in qofka jidhkiisana laga faaiidaysto, waayo garashada toosani waxa ay ku jirtaa jidhka caafimaadka qaba.
Hogaamiye bulashu waa halbeegii aad ku faanaysay, ee si dhaba u hitiqi, kana daa hagardaamada iyo haydaarta aan badankiini ku dhaqantaan, kana daaya dhagaha bulshada erayada foosha xun ee aad war-baahinta isku marisaan sidii hablo yaryar oo foodlaya, dhawra bulshada, oo siiya milgaha ay idinka mudan yihiin iyo halka ay idinka taagan yihiin, uguna hambeeya sida ay idinku liseen, aqoon iyo kasmo buuxdana ku hogaamiya, waayo hogaamiye aan dhaadayn waxa ay bulashadu u baahan tahay maaha hogaamiye, ee waa waxa loo magaca raadin doono. waxase aad moodaa in tubtaas haboon la baar-marsan yahay, oo la qaatay tubtii uu Abwaan Hadraawi ku sheegay Maansada Heeliyo, ee ku yidhi .
Naaleeye habacsane yaa horseede kaa dhigay hayb baabad sidataa maadigaa hogaanshe ah gobanimo hawadin kara haaneedka qaban kara higsan kara asaagaa qaranimo hitiqin kara isku duubni hanan kara dad saboola hagi kara taariikh la hadhi kara hal-abuurka sharafka leh murtidooda heli kara hoodaale noqon kara maxaad boog horeetiyo haydaar daweysaa dadkii sawtan hadkiyo haanraawe boobeen Waxa se dhaba in qarankeena Somaliland uu deegaanba awr ka dul doobiyo, oo kalidii ka dhibi-shaxdo, ku darsoo dufan-jeceshiina ka daba qufacdo marka uu dinaahiyo, waxan dhaba oo manta raadkeedii si cad u yaalaa Maansada Abwaan Gaariye ee Daba-taxan, waxanu yidhi Deegaanba awr baa ku kor doobinaayoo waxay daawadaan hebel lagu yidhi dartiinbaa duubka loogu xidhayoo la yidhaa kama dage durbaan bay u tumayaan inta uu doobinaayoo haday cidi dan-qaaftana dirir bay ka xigayaan nin daardaari kara male markuu duryaabaa laga daba qufacayaa dadna waa hangoolkii maalintay cidi dan leedahay dal-maraw la tabi jiray maantana dayaankiyo digta kuu baxaysaa dushayday ku dhacaysaa dulin iyo qaniinbaa igu deedamaayoo dalooshuu is lee yahay ninba meesha ugu dagan ee dubkayga tuumbada dagdag looga sudhan karo
Kalidii noole (ganacsatada)
Waa wax bulshooyinku waligoodba ku soo caano maaleen, oo maaha waxa cay ah, waana waxa mudan in bulshadu ay ka ganacsato, se ay u wada noolaadaan, waan milgo iyo maamuus, in qofku quutu xoogiisa, waana waxa kaliya ee dadku ku kala sareeyaan, oo taas maaha mid aan daaha saarayo, se waxa meesha taal sidee bulshadu ugu kala ganacsataa si meeqaam sare ah, oo aan la isku quudan, oo aan loo odhan miskiin baa misko la fuulo leh. Waa jiraan ganacsato badan oo bulashada u tudha, xe waxa batay, oo intaas ka badan kuwa aad ka u liita ee bulshada ka dhigaty beertii ay qodanayeen, xoolaha ay ka dhaqeena ku dhaqay qaab inta badan ka weecsan tubta haboon, oo ay la xidhaan hogaanka wadanka, si ay u wada fashaan beerta bulshda,kuwaasina waa ganacsato ay fogaaday barta dadnimo, una hayaamay hab-dhaqanka geedka kalidii noolaha, oo ah geed aan kalidii mooye aan geedaha kale u ogolayn nolol, hadaba hadii habkaasi ku sii faafo, waxa meesha ka baxayaa, is-jacaylkii bulshadu isu qabtay, waxa beerma kaabado kala sareeya, oo bulshadu waxa ay noqotaa bulsho kala saraysa, meeshaasan waxa ka baxaaya is-wadashadii bulshada. Hadaba maxaa haboon oo la gudboon in ay yeelaan ganacsatadu,
Xoolaha ay haystaan ha ka ilaashadaan in ay xaaraani ka dhex gasho, waayo hadii ay taas yeelaan waxa u balaadhan xoolaha ay haystaan, hadii kale se xoolahaasi waa ka guban doonaan.
Ha ka fogaadaan hab-dhaqanka aan haboonayn, iyo naas-nuujinta dadban ee kuwa hogaanka wadanka hayaa ugu gacan-haadiyaan.
Ha raacan tubta uu dhigaayo dhaqankeenu, oo ah in bulshada loo tudho, oo aan seedaha lagu goyn, waayo halka ay xoolaha ka dhaqeen waa bulshda, oo yaanay ka dhigan bulshada beerta ay beertaan, waana in ay bulshada kala qayb qaataan kocinta iyo baylaha tirida danta guud
Waa in ay si haboon u bixiyaan canshuurta lagu leeyahay, oo aanay madaw iyo la basi midna aanay kula kicin canshuurta
Waa in ay si dhaba u dhaqan galiyaan kala xadaynta ganacsiga, oo ay u ogolaadaan in bulshaduna ay ku hoos noolaato, oo aanay kaligood noolaan.
Haka weynaadaan in ay kartoonka keenaan, sidii aan ka soo gaadhnay dadkii hore, waa in ay warshado samaystaan, oo ay abuuraan maal-galin mudo dheer jirta, taas bay milgo badan ku yeelan qaranka iyo bulshadana wax badna ugu qaban.
Ganacsade, hadii se hab-dhaqankaagu noqdo, ganacsatadii uu Abwaan Hadraawi ku sheegay Maansada Daba-huwan, ee uu ku yidhi
Dukaanadu waa nuxuus sun iyo dacar bay hayaan daraandariyay hayaan dareen xagatay hayaan dalaaqda tusmay hayaan waxay damash soo rogeen waxay diric raarayaan duraaxad u heesayaan waxaa lagu doonayaa waxaan u daafad hayn waxan diro lay caree waxa soo dagay lay cusbee ka dooro intaan lahaa ku sii dara intaan lahaa ku sii dil ayuu lahaa ninkii digashada badnaa
Ganacsade, ilaasho milagaha iyo maamuuska aad leedahay, bulshadana dhawro, oo ka ilaali waxa aad adiguba u diiday naftaada, hana is odhan cidi kuma aragto, ee hadii aad dhawr jeer fakato, ogaw malin baa iman aad dabinka bulshada aad soo gali doonto, malintaasina maaha malin aad adigu leedahay ee waxa hooban oo dhulka gali dhamaan wanaagaaga oo dhan, ee maanta ayaad is daba qabo.
Gees-garaaca ( dufan-jeceha )
Waa waxa waligeed la soo arki jiray, oo maaha waxa maanta bilawday ee waa buuxan goob kasta iyo amin kasta kabo-qaad, ee waxa dhiba hadii ay dadkii u wada bateen, hab-dhaqankii xumaa ee uu Abwaan gaariye heegay, ee uu yidhi
nin kastoo dakano galay qoluu dabada galiyoo dambi dhacay masuul ma leh markaad hebel duqaysaa reer hebel damqanayaan ninkii dood ka keenana dacaayado riqiisiyo waxa lagu didisanayaa cid baa kaa dambaysoo ninkii dooxi kara boog looma waayo daabaqad iyo qaar daba gala dumbuqayga hayska leh waxa loo duduwayaa inuu yoolka dacal maro ana waan dhug daranahay
hadiise aan bulshooy, hab-dhaqanka dagmadeenu sidan yahay ma inoo milgaa mise waa inoo maamuus daro, waxana aan soo qaadan Maansada Abwaan Hadrwaawi ee Dibad-yaal
wuxuu yidhi dagmadayda dugsi kaliya baa jira diric kaliya baa dhiga dersi baanu baranaa duliga iyo beentiyo qodobkiyo dirsoociyo ducadiyo yaboohdiyo inta laga diiqoodiyo dewrsigu ka kaw yahay digashadu u mudan tahay marka qalin daraalaha dilla sheegta la cuskado imtixaanka la dago ka dul dhiga jawaabtiyo doorkiyo wax-garadkaa inta daadataa badan
waxa kale oo uu sii raaciayay isaga oo xanuunada bulshada ku dhaca si dhaba eelka fata u galiyay yidhi
wuxuu yidhi dagmadayda cudurada dilaacee aayaadka diintiyo dadku uu ilaahay daa’inkeen ka magan galo waaba lagu ducaystaa
wuxuuna ku sii daray isaga oo si dhaba u sheegaya, kuwa ay bulshada hor-gale u ah yidhi
wuxuu yidhi dagmadayda duleed joogta maqashiyo ka hagrada ma durugtada ayay geela u dirataa
Waxaas oo dhami waxa ay u dhacayaan dufan jecel, badatay oo ku baahday, dhamaan xaglaha qarankeena laga soo bilaabo, hogaanka ugu sareeya, ka oo gaadh kan ugu hooeeya, oo dhaqan u noqotay in badan oo bulshada ah, siiba labeenta bulshada, oo dadkii lagu dayan lahaa ee hormoodka u ahaa bulshadu u bateen dhameel gartayaal, kaliyana dalqadooda mooyee aan wax kale arkayn waa mid laga yaabo, oo laga amakaago, waayo hadii bulshada labeenteedii oo ah madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiintu ay heerkaas ka gaadheen, waxa ay u hamuumayaana uu yahay wixii bulshadu wada lahayd waa kud ka guuroo qanjo u guur, waa dab dhaxmooday iyo dawo bukootay, ee adiguba dhan u qaad.
Hab-dhaqan suuban baan leenahay, oo ah in aan xoolaha bulshada lagu soo weecan, oo waxa la isku caayi jiray hebel waa nin aan maal muslin aan bixin oo ah, wax kasta oo gacantiisu gaadho hebel ma dhaafo ee waa qaadaa, waxa ila haboon in aan dhaqankaas aan ka tagno waayo maaha mid ina wadaaya ee waa mid tuugu milgo ku yeelanaayo, bal eega oo ma gar baa in tuuga kabaha xada la yidhaa tol ma leh, kan xoolaha bulshada xaadana la yidhaa waa laan dheere, oo marka la soo hadal-qaadab la yidhaa ma wiilkayaga, waa laba aan meel wada galayn ee aan kala dayno.
Se dufan jecel ma ogtahay in aad tahay hangool malinba ninkii soo oodaysanayaa dagta ku sii sudho, marka, oodaysigu dhamaadana muska lagugu tuuraayo, oo aan dhaxanta, roobabka iyo milicdaba aan lagaa soo hadh-galinayn, waxan hubaala in aad ka raacdo, milagaha iyo waxa bulshada ka dhexeeya oo ah samaha iyo sinaanta iyo hadba wixii la hayo oo inoo dhex ah, dabinada iska eeh horee loo yidhi waxa aan dux ku gali ruux kugu dayaya baa badan, hana noqon kan uu Abwaan Hadraawi ku sheegay Maansada Dalaalimo, ee uu ku yidhi
Dufan iyo sabaaliyo dux waxan ku galinayn doqon baa u xilatoo nacas baa ku dararoo waligii ku deexdee durdurada xajiinta ah ku dabaalo lay yidhi dadnimaanse ka xigsaday nafta haw daraanoo ha is taagin daaftee dusha soo kor lay yidhi duug hadhaanse ka xigsaday
Hadii aad dufan jecel, dawgaas aan qaadto hubaal weeyi in aad si dhaba u noqon labeenta bulshada oo aad noqon hal-door tisqaaday oo raga faciisa ah ka mudha-baxa oo adunku waa maalmee la hadha dhaxal tis-qaaday, facyaasha kaa danbeeyana raga kaa haybsadaan oo kugu hadraan, weedhaadana sida shimbiraha u higaadiyaan ee kala dooro labada daw.
Waxaan ku soo ooday 3 tuug baynu u gacan galanay ee aan bal iska qabano inta goori goor tahay oo aan geed isga xidhno, hadii kale dubaha Eebe daran-doori buu inoogu dhici sidii oo mar hore inoogu dhacay, kaliya waxa bulsho ku badbaadaa waa kan gafka iyo qalooca waca oo ay iska qabato, hadii taas laga waayo hubaal waxa ah in meel fog laga doono, waxan marag inoogu ah waxa ka dhacaaya Somaliya, oo aan inag fogayn hadii aan nahay qaranka Somaliland, kamana liidano dacawadii tidhi garsoorka waxa I baratay isha waraabe ka laalaada, ee Eebe aan ka dhawrsano, oo tubta haboon u soo laabano, oo ka weynaano, in aan tuuga xadaaya xoolaha bulshada aan garb siino, ee aan garb iyo gaashaan u noqono kan wanaaga inagu dhaqaaya ee tubta haboon inagu wada.
Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
Bartay Aqoontaka Xeerarka
23/10/2013