29 ka mid ah shaqaalaha QM oo lagu dilay Duqeymada ku socda Gaza
Gaza October 23, 2023 (QJ) -Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in Axaddii 29 ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay Qaza, iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.
Hay’addan oo magaceeda loo soo gaabiyo UNRWA, ayaa barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay dhimashada dadkan, iyadoo tirada dhimashaduna ka dhigayso 29 qof, maalin uun ka dib markii 17 qof la dilay. Si kastaba ha ahaatee, tirada dhimashada ayaa sii kordhaysa wixii ka dambeeyay.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ku dishay ilaa 4,600 oo falastiiniyiin ah, halka Israa’iil ay sheeganayso in ay bartilmaansatay mintidiinta Xamaas, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kaydadka hubka ee Gaza.