Shicib ku dhintay duqeyn ka dhacday Afgooye
Afgooye March 19, 2024 (QJ) -Warar dheeri ah oo ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday deegaano ku dhow dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in ay ka dhasheen qasaaro lixaad leh.
Bartilmaameedka weerarkan ayaa ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay deegaanadaasi, kuwaasi oo dhibaato badan u geystay dadka deegaanka.
Qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay tuulo ay ku noolaayeen, islamarkaana uu burburiyay guryo iyo beero, islamarkaana uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in dhimashadu ay gaareyso ilaa 20-qof, iyadoo tiro intaas ka badanna ay soo gaareen dhaawacyo halis ah. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah caruur iyo haween oo qaarkood ay isku qoys ahaayeen.
Dadka dhaawacmay ayaa sidoo kale loo soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Madiina, sida ay wararku sheegayaan.
Ugu dambeyn, Baaq ay dhibaneyaasho ay soo saareen ayay dowladda federaalka loogu baaqay inay si deg-deg ah wax uga qabato falkaas, baaritaanna lagu sameeyo.
Docda kale, Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo horey war ka soo saartay duqeyntaasi, ayaa waxay ku sheegtay inay ka takhalustay in ka badan 40 ruux oo lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab.
Sidoo kale, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, gaar ahaan kuwa lagu beegsanayo deegaanno dhowr ah oo ku yaalla xeebta Muqdisho iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo la sheegay in xubno ka tirsan kooxdan ay qorsheynayaan inay gudaha u soo galaan caasimadda Muqdisho.