Madaxweyne Xasan oo isugu yeeray Baarlamaanka
Muqdisho February 20, 2024 (QJ) -Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri ah isugu yeeray kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa kulanka maanta uga warbixiyay labada Aqal, isagoo tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad ka jeedin doono kalfadhiga labada aqal, isla markaana uu ka hadli doono xaaladda guud ee dalka.
Kulanka deg degga ah ee uu Madaxweynuhu isugu yeeray labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu soo waramayaa in looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo ay ka mid tahay is-hortaaggii ay Itoobiya ku sameysay wafdigii Soomaaliya uga qeyb galay shirkii Midowga Afrika ee Addis Ababa iyo arrimo kale oo la xiriira arrimaha diblumaasiyadda Soomaaliya ee muddooyinkii dambe. hawlgelinta.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah, iyadoo ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa ku dhex maray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland Muuse Biixi, kaas oo ay ka mid ahayd in Itoobiya ay hesho qayb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya. Heshiiskan ayaa si weyn u xumeeyay xiriirka ka dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar badan oo ka mid ah hay’adaha caalamiga ah.