Shir looga hadlayo dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmay Nairobi
Nairobi January 15, 2023 (QJ) -Kulan sadex cisho soconaya ayaa magaalada Nairobi uga furmay manta dawlada Soomaaliya iyo bangiga aduunka iyo heyada IMF.
Kulanka ayaa lagu wadaa in looga wadahadlo deymaha labada hayadood ku leeyihiin Soomalaiya iyo dib u habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Kulanka oo ay ka qeybgeli doonaan Wasaaradaha qorsheynta, shidaalka, Bangiga dhexe iyo masuuliyiin ka socota Madaxtooyada ayaan shirka hortii la soo bandhigin qorshaha dawlada ee ku wejahan mawduuca shirka.
Soomaaliya ayaa sanadihii u danbeeyay dawladihii soo maray ku andacoonayeen in ay guulo ka soo hooyeen deyn cafinta, balse aan marnaba si waafi ah u soo bandhigin guulaha.
Shirkan haatan ka furmaya Nairobina waxa ka soo bixi doona uun sheegashada guulo kuwii hore uun la mid ah.