Wasiir Juxaa oo eedeeyay Wasiir hore Abgaal
Garoowe December 27, 2022 (SD) – Wasiirka arrimaha guddaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa sheegtay in wasiirkii hore ee maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal oo diidan hanaanka doorashooyinka qof iyo cod uu urursaday ciidamo isla markaana ka horyimi diiwaangelinta codbixiyeyaasha Puntland.
Juxaa ayaa saxaafada guddaha u sheegtay in Xasan Abgaal oo la soo xiriiray uu arinka la socodsiiyay isla markaana ciidan uu wato ay jidgooyada dhigteen buuraleyda Nugaal ee Karin-dhiig.
Wasiir juxa ma sheegin qorshaha maamulka Puntland ee ku wejahan arinkan.
Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka mid ah ururada siyaasada Puntland ayaa dhawaan ka heshiiyay inta badan cabshooyin la xiriira doorashooyinka halka ilaa afar ka mid ah ururadana ay heshiiskaa ka horyimaadeen.