|

Madaxweyne Xasan oo sheegay in Saraakiil caawiso Al Shabaab

Muqdisho December 24, 2022 (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya in ay kala shaqeeyaan Al-shabaab qaraxyada laga fuliyo Muqdisho.

Madaxweynaha oo manta ka hadlayay sanadguue=ardii 79 aad ee aasaaska booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in gawaarida walxaha qarxa ka buuxaan ee Al-shabaab in ay baraha Koontaroolada soo dhaafiyaan saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay in haatan ay baaritaano ku socdaan saraakiil gawaari ay dhaafiyeen baraha koontaroolada ciidanka lagu qarxiyay gudaha magaalada Muqdisho.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanayaa xili baaritaano lagu hayo cidii fududeysay weerar dhawaan lagu qaaday Hotel Rays.

Comments are closed