|

Dagaal dad ku dhinteen oo Baydhabo ka dhacay

Baydhabo December 23, 2022 (QJ) – Dowladda ayaa sheegtay in ay ka xun tahay shaqaaqooyinkii ka gacan ka hadalka ahaa ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kalena ugu baaqday dhinacyada siyaasada isku haya wadahadal. Baaqa dawlada ayaa daba socda weerar ay manta Ciidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen ciidamo la magac baxay badbaabada Koonfur Galbeed ee taageersan musharaxiinta kasoo horjeeda Madaxweyne Lafta-gareen.

Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo Qoraal soo saartay ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo burcad ah ay jid-gooyo u dhigteen ciidanka amniga oo howlgal roondo ku jiray, waxaana Maamulka uu sheegay in aysan aqbali doonin khal-khal gelinta amniga.

Halka Musharixiinta mucaaridka ahina ay eeda dusha ka sareen madaxweyne Laftagareen. in ka badan 10 qof ay ku geeriyoodeen iska hor imaadka maanta Baydhabo ku dhexmaray ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwo taabacsan mucaaradka.

Comments are closed