|

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Soomaalida ugu baaqday inay u istaagaan xuquuqul insaanka

Muqdisho December 10 (QJ) – – QM ayaa manta oo ku beegneyd maalinta caalemiga ah ee xuquuqda aadanaha Dawlada Soomaaliya ugu baaqday ilaalinta xuquuha aadan ee shacabka khaasatan dadka tiroda badanyahay ee u nugul xadgudubka.

“Waxaa nagu soo fool leh oo nagu soo dhow sannad-guuradii 75aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (UDHR), oo ah aasaaska adduunka ee horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Xuquuqdiisa iyo xorriyadihiisa ayaa maanta muhiim u ah sidii ay ahayd markii Dowladaha Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay isla qaateen. Waa inaan sii wadnaa inaan ka shaqeyno sidii aan u fulin lahayn ballanqaadkiisa ku aaddan xuquuqda aadanaha dadkoo dhan,” ayay tiri Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

War laga soo saaray xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegtay in QM ka goantahay taageerida dedaalada Soomalaiya ee lagu horumarinayo laguna ilaalinayo xuquuqaha aadanaha.

“Soomaaliya waxay gaartay, siina waddaa inay gaarto guulo la taaban karo oo lagu horumarinayo laguna ilaalinayo xuquuqul insaanka, oo ay ka midyihiin xuquuqda ku qeexan Dastuurka KMG ah ee dammaanad qaadaya xuquuqda iyo xorriyaadka dhammaan dadka Soomaaliyeed. Ballanqaadka Soomaaliya wuxuu sidoo kale ka muuqdaa heshiisyada xuquuqda aadanaha caalamiga ah ee badan ee ay saxiixday. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa weli ka go’an inay taageerto dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo laguna ilaalinayo xuquuqul insaanka si ay uga faa’iideystaan ​​dadka Soomaaliyeed,” ayay raacisay Mw. Gbeho, oo sidoo kale hadda ah Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

RW Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa sheegay in shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xad gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul, isagoo ku baaqay in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xadgudubta xuquuqul insaanka.

Comments are closed