“26ka June Golayaasha Dawladda Hala Kala Diro, Suuragal Maaha”Sul.Maxamed Sul. Xirsi Qani
Hargeysa, 15 March 2015 (SDN/QJ)-Suldaanka Guud ee Beelaha Habaryoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, ayaa xukuumada ugu baaqay in ay shacabka iyo xisbiyada u soo bandhigto daacnimadeed qabsoomida doorashada, isla markaana wuxuu fikir khaladan ku tilmaamay dhawaaqi ka soo yeedhaya xisbiyada mucaaridka ee ah 26ka june golahayaasha dawlada hala kala diro.
Suldaanku wuxuu sidaa ku sheegay warsaxaafadeed uu xalay soo gaadhsiiyay Shabakada Qurbejoog.com oo u dhignaa sidan; “Marka hore waxaynu nahay dal aan aqoonsi ka helin dunida inteeda kale laakiin
dadkiisa ka haysta aqoonsi buuxa oo dhamaystiran, Waxaa inoo dhisan dhamaan hay’adihii ama waaxihii dawladnimo ama qaranimo haday golayaal tahay haday ciidamo tahay iyo haday xisbiyo tahayba waxaynu haysanaa nabadgalyo buuxda iyo kala danbayn taam ah.
Mudadii Somaliland jirtay waxay soo martay marxaldo farabadan oo kala duwan,Waxaana inoo qabsoomay waxyaabo fara badan oo kuwan aan soo sheegay ka mid yihiin,Wax aad u fara badanina way inaga dhimanyihiin,Waxaana halkan lagu soo gaadhay dadaalka iyo midnimada Umada Reer S/Land oo go’aansatay inay dunida ku soo kordhiyaan dal aan hore ujirin oo ay iyagu leeyihiin,Sidaa darteed waxaa dhamaanteen inagu waajib ah inaynu ilaalino wadajirka iyo midnimada umada si aanay inooga lumin kalsoonida iyo aqoonsiga buuxa ee dalkani kahaysto dadkiisa.
Dhanka doorashooyinka markaan ka hadlo maaha markii u horaysay ee Dalkan doorasho ka qabsoonto mana noqon doonto tii ugu danbaysay, tan hada laga hadlayaa kolay maalin maalmaha ka mida ayuun bay qabsoomi doontaa wixii ilaahay gaadhsiiyo, waxase jirta maaha markii u horaysay ee doorashadu dib u dhacdo, ama ay xiligeedii ku qabsoomi waydo, Golayaasha dawladana uu ku yimaado muda dhaaf.
Sidaa darteed marwalba waxaa xal laga dhigay sidii maslaxad labiday ama dan la mooday, iyadoo dhan walba laga eegayo,lana ilaalinayo danta guud iyo wada jirka umada. Tan maantana kama duwana maxaa yeelay wax cusub oo wixii hore ka duwani inagumay soo bixin,
Sidaa darteed fikirka ka soo yeedhaya mucaaridka ee ah (26ka JUNE GOLAYAASHA DAWLADA HALA KALA DIRO). Waxaan u arkaa waxaan marnaba suurtagal ahayn meeshana aan qaban Karin, Anigu ma odhanayo waa sharci iyo waa sharci daro midna laakiin waxaan leeyahay maaha danta qaranka iyo danta umadan midnaba.
Sidaa darteed wixii aan suurta gal ahayn ama aan dani ku jirin maaha in lagu cel celiyo iyo in bulshada lagu abuuro cabsi iyo werwer ah tolow maxaa dhici marka lagaadho 26ka JUNE.
Xukuumadana waxaa waajib ku ah inay muujiso oo dadka tusto inay daacad ka tahay qabashada doorashada si aan madmadaw lahayna ugu soo bandhigto xisbiyada mucaaridkaa iyo bulshada inteeda kalaba,wixii duruufi keentana cidna lagu ceebayn maayo waase in la iska arkaa ama la isla ogaadaa wadatashina kala yeeshaan xisbiyada mucaaridkaa. Wixii khuseeya komishanka doorashooyinka waxaan ku boorinayaa inay hawshooda ugutaan si kalsooni leh oo dhexnimo ah isla markaana muujiyaan dadaal dheeraad ah.
Golaha guurtidana waxaan leeyahay marka hore waxaad leedihiin waajibaad tastuuri ah markay xiligeeda la gaadho, waxaan se idin xasuusinayaa inaad urursataan talo badan hawshiinana ugudataan si dhexdhexaadnimo ah.
Waxaan ku soo gabogabaynayaa maqaalkan waxaa laga yaabaa in maqaalkan kii ii xigay iyo kan midba si loo arko laakiin mar walba waxaan ka hadlayaa SIDA DANTA GUUD IYO MIDNIMADA UMADU KUJIRTO.”
ALLAA MAHADLE
SULDAANKA GUUD EE BEELAHA HABAR YOONIS Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani