|

Madaxii Hore ee BBCda oo dalbaday in la sii daayo suxuufiyiin Hargeysa ku xiran

Muqdishu (QJ) – Madaxii hire ee Iddaacada BBCda laanteeda afka Soomaaliga Yusuuf Garaad Cumar ayaa ugu baaqay dawlada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi in ay sii deyso weriyeyaasha sharci darada Hargeysa ugu xiran.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bogesiisa Facebook.

“Arrimaha u gaarka ah Soomaaliland ma jecli in aan faraha la galo waayo beryahan dambe xog ogaal uguma ihi sidii aan Soomaalida badankeed uga xog roonaa ku dhowaad soddimeeyo san oo hore.: ayuu yiri Yusuf Garaad.

Waxaanu intaa ku daray ” Haddana mar haddii aan Ciidda waayay sii deyn, Intaa ka badan kama aammusnaan karo xarigga saaxiibkeey aan xirfad wadaagna nahay, Maxamed-Ilig. Isaga iyo laba weriye oo kale ayaa xiran tan iyo nuskii hore ee bishii na dhaaftay. Inta aan ka warqabo xukun kuma dhicin oo uu macnaheedu yahay in Maxkamad Caddaaladeed aan la soo taagin.”

Yuusuf Garaad Cumar ayaa baaq u diray Xukuumada Somaliland kiyoo faray in xabsiga laga sii daayo weriyeyaasha Hargeysa ku xiran.

“Aniga oo oday Soomaaliyeed oo saxaafadeed ah, waxaan codsanayaa in weriyayaasha haddii aan dembi culus lagu heyn loo celiyo xorriyaddooda oo la sii daayo.

Suxuufi hore Yusuf Garaad ayaa ugu danbeytii sawir ka bixiyay shakhsiyada Suxufiyiinta.

” Weriye wax iga weydii. Waa miskiin, waana adeege bulsho. In lala garramo, la canaanto iyo haddii ay fogaato digniin la siiyo ayaa ka adag.” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa suxufiyiin kor u dhaafay 17 xabsiga u taxaabtay xili ay soo tebinayeen rabshado ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, ilaa sadex ka mid ah suxuufiyiinta ayaa weli ku jira xabsiga.

 

 

Comments are closed