|

Golaha Wakiilada JSL ayaa Maanta Go’aan qaylo dhaan ah ka soo saaray Xaalada Ba’an ee Abaaraha ee dalku galay

Hargeysa (QJ) – Ka dib doodii Goluhu Shalay ka yeeshay Xaalada guud ee dalku ku jiro gaar ahaana Abaaraha ayaa Maanta kulan doodaas lagu soo ururinayo waxa yeeshay Gudida Hawlaha Golaha (Business Committee) oo ka kooban shirgudoonka iyo Gudoomiyaayasha Gudi hoosaadyada Golaha.

Kulankoodaas ka dibna Gudoomiyaha Golaha Mudane Cabdirisaaq Khaliif oo Gudoominayay ayaa Gole weynaha u Faahfaahiyey goaanada ay ka soo saareen oo maalinta beri lagu faafin doono nuxur ahaana ahaa sidan hoos ku qoran
Golaha Ayaa ugu deeqay Gurmadka abaaraha $ 50,000 (konton kun oo dolar).

Sidoo kale waxa Goluhu Baaq Gurmasho ah u diray.

Dawlada Dhexe, Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Wadaniga ah, Ganacsatada, Dawladaha deeqda bixiya iyo Qurbo jooga reer Somaliland inay si deg deg ah ugu gurmadaan Dadka abaaruhu saameryeen kana qayb noqdaan dedaalada dadka iyo duunyadaba lagu samayo bixinayo.

Sidoo kale waxa loogu baaqay Xukuumadu inay iclaamiso Salaad Roob doon ah.

May be an image of 1 person
May be an image of 1 person and indoor
May be an image of 8 people, people sitting and people standing
May be an image of 10 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 2 people and indoor
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 1 person

Comments are closed