|

25 Sanno ka Dib iyo Dhacdadii Xanuunka badnayd ee Xasuuqii Xeebta Jasiira ee Muqdisho {DHAGAYSO}

Muqdisho 16.July 2014 (SDN/QJ)- Xasuuqii 47 qof oo isugu jiray aqoonyahan , professoro , ganacsato , dhallinyaro iyo farsamoyaqaanno uu taliskii siyaad barre koofiyad castiisii ku dileen xeebta jazeera 17july 1989 waxaa ka soo wareegay haatan 25 sano .

Dadkaasi inta habeen saq dhexe laga soo ururiyay guryahoodii oo ay iska jiifeen magaalada muqdisho xaafadda buulo xuubley oo isirkooda la hubsaday inay isaaq ahaayeen ayaa ciidankii gaarka ahaa ee siyaad barre ee wiilkiisa maslax maxamed siyaad barre xukumayay ku dileen xeebta jazeera maalintaasi.
dhegeysta barnaamijkan akhyaaray oo weriye Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo BBC ka tirsanaa Xiligaas haatana ha Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Somaliland oo markaasi joogay xamar intuu degdeg uga baxay xamar uu dabadeed caalamka u tebiyay dhacdadan bahalnimada ahayd ee siyaad barre ku xasuuqay dadkiisii . maxkamada caalamiga ah ayaa haatan dacwadani hortaallaa .

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARAYSIGAN TAARIIKHIGA AH
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MaxamedRashiid16.mp3″]
Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed